Afduubkii iyo Dilkii dad Ameerikaan ahaa ee Filibiin joogay
RFJ ayaa waxay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $100,000 oo ku bixisay xogtii u horseeday in la soo xiro argagixisada kooxda Abuu Sayyaf (ASG) qof lagu magacaabo Toting Hanno oo ku sugan Filibiin.
Toting Craft Hanno wuxuu ahaa xubin ka tirsan kooxda ASG ah oo wuxuu ka qaybqaatay afduubkii dhacay 27ka bisha Maajo, 2001 afduubkaas oo loogu geystay saddex muwaadin oo Maraykan ah oo ku sugnaa Dos Palmas Resort Palawan ee Filibiin. Saddexda qof ee Ameerikaanka ahaa ayaa kala ahaa Guillermo Sobero iyo Martin iyo Gracia Burnham, oo ahaa lamaane u dhashay dalka Maraykanka. Taariikhdu markay ahayd 11ka bishai Juun, 2001, afhayeenka kooxda ASG Abu Sabaya ayaa ku dhawaaqay in Guillermo Sobero loo toogtay sida iyadoo “haddiyad dhalasho” loogu dhigay madaxweynaha Philippine Gloria Macapagal-Arroyo. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Oktoobar, 2001, lafo madax ee ibni aadam ayaa waxaa laga soo saaray Jasiiradda Basilan, kaas oo la xaqiijiyay inuu ahaa Guillermo Sobero. Bishii Juun 2002, Martin Burnham wuxuu ku dhintay rasaas dhexmartay askarta Filibiin iyo kooxda ASG; Gracia Burnham dhaawac ayaa soo gaaray laakiin waa la badbaadiyay waxaana dib loogu celiyay dalka Mareykanka.
Taariikhdu markay ahayd 6da bisha Janaayo, 2005, ciidamada ammaanka Filibiin, oo haystay xog ay ka heleen qof xog ogaal ah, ayaa Hanno soo qabtay.
Si Tilmaan aad u soo Gudbiso
Adiga kaalintaada ka qaado. Ka dhig adduun ammaan ah iyo mustaqbal ifaya. Guji si aad u ogaato wax ku saabsan soo sheegista qaababka tilmaamaha Abaal-marinta Caddaalada.
- Argaggixisonimo
- la haystayaal/Afduubyo
- Kuuriyada Waqooyi
- Faragelinta Doorashada
