Sheekooyin Guul

Ramzi Ahmed Yousef (Lagu helay dambi)

Bambaanooyinkii Gawaarida ee 1993 ee Xarunta Ganacsiga Adduunka

RFJ waxay bixisay abaalmarin lacageed oo gaaraya $2 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay ku bixisay qofkii soo sheegay xogtii horseeday soo qabashada argaggaxiye reer Pakistan ee Ramzi Ahmed Yousef. 

Yousef wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii ka dhacay magaalada New York ee xarunta ganacsiga adduunka bishii February 1993 kaas oo ay ku dhinteen lix qof in ka badan 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen. Saacado gudahood markii qaraxaasi dhacay, Yuusuf wuxuu ku baxsaday diyaarad ku socotay dalka Pakistan. 

Yuusef wuxuu dib ugu soo baxay dalka Filibiin halkaas oo uu ku dejiyay shirqool argagaxiso oo adag. Yuusuf wuxuu qorsheeyey in uu dilo Baadari John Paul II taariikhda markay ahayd 14ka bisha Janaayo, 1995, xilli Baadarigu uu socdaal ku marayay dalka Filibiin, iyo in uu maalmo ka dib qarxiyo 12 diyaaradood oo Maraykan ah oo ku sugnaa Aasiya. Guud ahaan dabandaabadan waxa loo yiqiinay kalmad “Oplan Bojinka,” oo ah erey, loo turjumay af-carabi, macneheeduna yahay “Qarax Hawlgal” ama “Hawlgalka Big Bang.”  

Qorshahooda inta aysan fulin kahor, Yuusef iyo la-shaqeeye kale oo lagu magacaabo Abdul Hakim Ali Hashim Murad ayaa lagu qasbay inay ka cararaan gurigooda oo ku yaalay magaalada Manila taariikhdu markay ahayd 6da bisha Janaayo, 1995 markii kiimiko isku dar ah ay kicisay daruur qiiq ah, taasoo ka soo baxday daaqada guriga. Yuusef ayaa Murad ka codsaday inuu guriga ku soo laabto si uu u soo qaato kombayutarka laptop-ka iyo cadaymo kale oo dembi u keeni kara. Markii Muraad uu gurigaku soo laabtay, si kastaba ha noqotee, waxaa ka horyimid booliis oo markii horeyba goobta soo gaaray. Yuusuf, oo markaas gartay in Murad la qabtay, ayaa wuxuu isaga cararay dalka Pakistan. 

Bishii Febraayo 1995, qof war-bixiyaye ah ayaa arkay xayeysiis RFJ ah oo ku qoran buug-gacmeed oo kudhiirigelisay suurtagalnimada in abaalmarin ku heli karo, wuxuu la xiriiray safaaradda Mareykanka ee magaalada Islamabad, Pakistan wuxuuna bixiyay macluumaad horseedaya halka uu Yuusef markaas joogo. 

Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Febraayo, 1995, mas’uuliyiinta Pakistan, oo ay caawinayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka wakiillada gaarka ah ee Amniga Diblomaasiyadeed, ayaa Yuusef ku xiray Islamabad waxayna u gacan gelisay Mareykanka si maxkamad loo horkeeno eedeymo argagixisanimo. 

Laga soo bilaabo bishii Sebteember 1996 ilaa bishii Janaayo 1998, Yuusef waxaa la soo horjoojiyay oo la maxkamadeeyay waxaana lagu xukumay eedeeymo la xiriirta argagixisanimo oo waxaa lagu qaaday saddex maxkamadood oo kala duwan. Taariikhdu markay ahayd 8da bisha Janaayo, 1998, garsoore heer federaal ah ayaa ku xukumay xabsi daa’in iyo 240 sano oo xarig ah. 

Skip to content