Sheekooyin Guul

Mir Aimal Kansi (Waa la dilay)

Dilalkii Maraykanka

RFJ waxay abaalmarin lacageed ay siisay shaqsigii soo sheegay xogtii lagu soo xiray Mir Aimal Kansi, oo ahaa nin hubaysan oo toogasho ku dilay laba qof oo shaqaale ahaa, saddex kalena dhaawacay u geystay, xilli ay shaqo ugu socdeen Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka (CIA) taariikhdu markay ahayd 5ta bisha Janaayo, 1993. 

Kansi ayaa weeraray iyadoo ayna jirin wax digniin ama daandaansi, isaga oo qori AK-47 ah ku toogtay baabuur sugayay inuu u shidmo nalka joogsiga ee ka soo baxa Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka. 

Weerarka ka dib Kansi ayaa isla markiiba ka baxsaday Mareykanka, wuxuuna ahaa baxsad ilaa laga soo qabtay taariikhdu markay ahayd 15ka bisha Juun, 1997 isagoo markaas ku sugnaa gobolka Punjab ee dalka Pakistan. Waxaa lagu soo celiyay Mareykanka si loogu maxkamadeeyo. 

Taariikhdu markay ahayd 10ka bisha Nofeembar, 1997, Kansi waxaa xeerbeegayaal ku sugnaa magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia ay ku xukuntay dilkii labada shaqaale ee CIA u shaqaynaayay. Kansi waxaa la dilay taariikhdu markay ahayd 14ka bisha Nofeembar, 2002.

Skip to content