Sheekooyin Guul

Khadaffy Janjalani (Geeriyoodey)

Afduubkii iyo Dilkii dad Ameerikaan ahaa ee Filibiin joogay

RFJ waxay abaalmarin lacageed oo guud ahaan gaaraysa $5 milyan oo doollarka Mareykanka ah siisay dhowr qof oo soo sheegay xogta hoggaamiyaha Kooxda Abuu Sayyaf Group (ASG) Khadaffy Janjalani. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Juun, 2007, Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Filibiin ayaa abaalmarinta guddoonsiiyay shaqsiyaadkaas iyadoo lagu guddoonsiiyay xaflad fagaare lagu qabtay oo ka dhacday jasiiradda Jolo. 

Khadaffy Janjalani wuxuu ka mid ahaa madaxda ugu saraysa ee Kooxda argaggixisada ASG oo waa urur argagixiso oo saldhigoodu yahay dalka Filibiin. Janjalani, ayaa waxay mas’uul ka ahaayeem afduubkii iyo dhimashada muwaadiniin isugu jiray Filibiin iyo Maraykan. Isaga ayaa lala xiriiriyay afduubkii Martin iyo Gracia Burnham iyo labo kale oo muwaadiniin Ameerikaan ahaa oo wuxuuna si toos ah mas’uul uga ahaa gowracii muwaadin Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Guillermo Sobero. Janjalani ayaa waxaa sidoo kale qorsheeyey oo uu na fuliyey weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka, oo uu ku jiro shirqool lagu weeraray safaaradda Maraykanka ee magaalada Maniila, taariikhdu markay ahayad bishii Fibraayo 2004tii ee la quusiyey Superferry 14, iyo 2005 tii saddex qarax ee Valentine’s Day, qaraxyadaas oo, guud ahaan, lagu dilay ama lagu dhaawacay boqolaal dad ah oo aan waxba galabsan. 

Taariikhdu markay ahayd 4ta bisha Seteember, 2006, Ciidamada Qalabka sida ee Filibiin, oo ku hawlan xogta ay ka heleen shaqsiyaad dhowr ah, ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabteen Janjalani. Inta uu howlgalka socday ayaa la sheegay in Janjalaani si daran uu dhaawac u soo gaaray balse uu ka badbaaday. Bilihii xigayna, waxaa soo shaac baxay xan ahayd geeridii Janjalani. Dabayaaqadii bishii Janaayo 2007, labo shaqsi ayaa soo gudbiyay xog la xiriirta halka uu ku dambeeyo ama uu yaallo meydka Janjalani. Kadib markii la sameeyay baaritaanka DNA-ga, ayaa waxaa FBI-du ay xaqiijisay in Janjalani, dhab ahaantii, uu dhintay. Dhammaan xogta laga helay ama ay bixiyeen shaqsiyaadkaasi oo dhan waxay ahaayeen noqdeen xog muhiim u ah goobta iyo la ma dambayntii aqoonsiga Janjalani. 

Skip to content