Sheekooyin Guul

Edgar Gustavo Navarro (Geeriyoodey)

Afduubkii Dad Maraykan ah oo Colombia joogay

RFJ waxaay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $900,000 siisay saddex qof oo soo gudbiyay xog ku saabsan halka uu ku sugnaa Edgar Navarro, oo ah taliyaha Ciidamada Kacaanka Colombia (Revolutionary Armed Forces of Colombia) (FARC). 

Taariikhdu markay ahayd bishii Febraayo 2003, Thomas Howes, Keith Stansell, iyo Marc Gonsalves, ayaa waxaa gacanta ku dhigay FARC markii diyaaradoodii Mareykanka ay Colombia dhexdeeda ku burburtay. FARC iyo dhagar-qabayaasheeda ayaa dilay laba qof oo kale oo la socday diyaaradda, Thomas Janis oo ahaa muwaadin Mareykan ah iyo Saajin Luis Alcides Cruz oo Colombia u dhashay. 

Navarro, oo ahaa taliye ku xigeenka FARC’s Teofilo Forero Mobile Column, ayaa waxaa looga shakiyay inuu afduubka ku lug lahaa. 

Taariikhdu markay ahayd 19ka bisha Oktoobar, 2003, saddex qof oo war-bixiyayaal ah, oo ay dhiirigelisay suurtogalnimada ah inay helayaan abaalmarin, ayaa koox askar Colombian ah u horseeday xerada Navarro ku sugnaa iyagoo isku dayaya inay qabtaan isaga iyo xubnaha kale ee kooxda FARC. Navarro ayaa waxaa lagu dilay israsaaseynta dhexmartay isaga iyo ciidamo ka tirsan ciidamada xooga. Saddexda qof ee Maraykanka ahaa ayaa la soo badbaadiyay taariikhdu markay ahayd 2da bisha Luulyo, 2008 kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada Colombia.

Skip to content