Sheekooyin Guul

Axmed Abuu Khatallah (Lagu helay dambi)

Sanadka markuu ahaa 2012 dil afar Maraykan loo gaysatay, oo uu ku jiro safiirka Maraykanka, ee Benghazi, Liibiya

Barnaamijka RFJ waxay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $3 milyan oo doollarka Mareykanka ah ay siisay shaqsigii keenay xog lagu soo xiray laguna xukumay hoggaamiyihii kooxda Argagaxisada Axmed Abu Khattalah, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhacay 2012-kii oona lagu qaaday Howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee magaalada Benghazi ee dalka Liibiya oo lagu dilay afar qof oo Mareykan ah oo uu ku jiray safiir Mareykan ah.  

Iyadoo la isticmaalayo xogta aan helnay, Khatallah ayaa taariikhda markay ahayd 15-kii bisha June 2014 lagu qabtay gudaha dalka Liibiya waxaana la keenay Maraykanka maxkamad loo soo horjoojiyo. Taariikhdu markay ahayd 28ka bisha Nofeembar, 2017, waxaa lagu helay dembi eedeymihii la xiriira weerarka, oo taariikhdu markay ahayd 27kii bishii Juun 2018, lagu xukumay 22 sano oo xabsi ah. RFJ waxa ay sii waddaa abaalmarin lacageed oo gaaraya $10 milyan oo doollar oo ay siinayso ciddii soo sheegta xog sheegaysa in caddaaladda la horkeeno shaqsiyaadka kale ee mas’uulka ka ah weerarkii Benghazi.

Skip to content