Afduubkii iyo Dilkii dad Ameerikaan ahaa ee Filibiin joogay

RFJ waxay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $5 milyan oo doollarka Mareykanka ah siisay laba shaqsi oo soo sheegay xogta hoggaamiyaha Kooxda Abuu Sayyaf Group (ASG) Abuu Suleymaan. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Juun, 2007, Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Filibiin ayaa abaalmarinta guddoonsiiyay shaqsiyaadkaas iyadoo lagu guddoonsiiyay xaflad fagaare lagu qabtay oo ka dhacday jasiiradda Jolo.
Abuu Suleymaan wuxuu ka mid ahaa madaxda ugu saraysa ee Kooxda ASG oo ah urur argagixiso oo ka hawlgala dalka Filibiin. Suleymaan, oo uu weheliyo Khadaffy Janjalani, ayaa waxay mas’uul ka ahaayeem afduubkii iyo dhimashada muwaadiniin isugu jiray Filibiin iyo Ameerikaan. Suleymaan ayaa lala xiriiriyay afduubkii Martin iyo Gracia Burnham iyo labo kale oo muwaadiniin Ameerikaan ahaa oo wuxuuna ka qeyb qaatay gowracii muwaadin Mareykan ahaa oo lagu magacaabi jiray Guillermo Sobero. Suleymaan waxaa kale oo uu qorsheeyey oo uu na fuliyey weeraro ka dhan ah danaha Maraykanka, sida bambaanooyin lagu weeraray safaaradda Maraykanka ee magaalada Maniila, taariikhdu markay ahayad bishii Fibraayo 2004tii ee la quusiyey Superferry 14, iyo 2005 tii saddex qarax ee Valentine’s Day, qaraxyadaas oo, guud ahaan, lagu dilay ama lagu dhaawacay boqolaal dad ah oo aan waxba galabsan.
Taariikhdu markay ahayd 16ka bisha Janaayo, 2007, Ciidamada Qalabka sida ee Filibiin, oo ku hawlan xogta ay ka heleen dadka xogta u soo gudbiya, ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabteen Suleymaan. Intii uu weerarka socday, Suleymaan wuu iska caabiyay oo waana la dilay.
Si Tilmaan aad u soo Gudbiso
Adiga kaalintaada ka qaado. Ka dhig adduun ammaan ah iyo mustaqbal ifaya. Guji si aad u ogaato wax ku saabsan soo sheegista qaababka tilmaamaha Abaal-marinta Caddaalada.
- Argaggixisonimo
- la haystayaal/Afduubyo
- Kuuriyada Waqooyi
- Faragelinta Doorashada
