Ku saabsan
Su’aalaha Badanaa
MA KA BIXIN KARTAA TAARIIKH KOOBAN EE KU SAABSAN BARNAAMIJKA ABAALMARINTA CADDAALAADDA EE (RFJ)?
RFJ waa barnaamij hay’ad abaalmarin oo lagu aasaasay Xeerka La-dagaalanka Argagaxisada Caalamiga ah ee 1984, Sharciga Dadweynaha 98-533 (ku lifaaqan 22 USC § 2708) oo ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Xafiiskeeda Amniga Diblomaasiyadda.
Hadafka barnaamijka RFJ ayaa ah in uu soo saaro xog gacan ka geysaneysa ilaalinta amniga qaran ee Mareykanka.
Sida hoos timaada ama sida uu qaanuunka 1984-tii qabo, hadafka asalka ee RFJ auaa wuxuu ahaa in abaalmarin lagu bixiyo xogta:
- Horseeta soo qabashada ama xukunka qof kasta oo qorsheeya, gala, gacan ka geysta, ama isku daya falal argagixiso oo caalami ah oo ka dhan ah qof ama hanti Maraykan ah iska leeyahay
- Hor istaagta falalka in ay markeedii horeyba ay dhacaan
- Horseeta in la aqoonsado ama la ogaado meesha uu joogo hogaamiyaha argagixisada ugu sareeya
- Carqaladeeyaa maalgelinta argagixisada
Sannadkii 2017, Congress-ka wuxuu wax ka beddelay awoodda sharciga ah ee RFJ si loogu daro abaalmarinno la siinayo ciddii keenta macluumaad horseeda:
- Carqaladeeynta hababka maaliyadeed ee dadka ku hawlan hawlaha qaarkood ee taageeraya nidaamka Waqooyiga Kuuriya
- In la aqoonsado ama la ogaado meesha ay ku sugan yihiin shaqsi kasta oo, ku shaqeeya jihada ama ay maamusho dawlad shisheeye, caawiya ama ku xad-gudbida ku xad-gudubka Xeerka Ku-takri-falka iyo Ku-takri-fal Kumbuyuutarrada (oo ku kacaya faro-gelin aan la ogolayn iyo noocyada kale ee khiyaanada ee la kombuyuutarrada la xiriirta)
Abaalmarinta la bixinaya waxay u dhaxayn kartaa in ka yar $1 milyan ilaa $25 milyan oo doollar ah.
Barnaamijka RFJ waxay bixin kartaa abaalmarin xitaa haddii aanay jirin abaalmarin hore ee la bixinayay.
SIDEE AYAY RFJ WAX U TARAYSAA?
Tan iyo markii la aassaasay, barnaamijka RFJ waxay bixisay in ka badan $250 milyan oo doollar in ka badan oo ay siisay 125 qof oo keenay xog waxtar leh oo gacan ka geysatay ilaalinta amniga qaran ee Mareykanka.
Dedaaladan waxay badbaadiyeen dad aan la soo koobi karin oo aan waxba galabsan.
SIDEE AYAAD U XAYEYSIISAA ABAALMARINTA LA BIXINAYO?
Marka laga soo tago websaayitka RFJ, waxaan isticmaalnaa baraha bulshada ee luqadda, boorarka, buugaagta gacanta, xayaysiisyada lacagta lagu bixiyo ee idaacadaha iyo jaraa’idka, interneetka, iyo dariiq kasta oo kale oo ku habboon oo aan kula xiriirno shakhsiyaadka laga yaabo inay hayaan macluumaad la xiriira oo ay keeni karaan.
MAXAY YIHIIN XOGTA LA SHEEGAYO EE KU SAABSAN LACAGAHA ABAALMARINTA?
Asturnaanta ayaa qayb muhiim ka ah barnaamijka RFJ. Anaga si waadax ah uma soo bandhiggayno macluumaadka gaarka ah ee la soo gudbiyay si looga jawaabo abaalmarindeena aan bixinno ama magacyada shakhsiyaadka la siiyo abaalmarinta, iyo inta badan si cad uma shaacinno in abaalmarin la bixiyay. Xaalado gaar ah oo waawayn, ayaa waxaa laga yaabaa inaan ku dhawaaqno in abaalmarin aan bixinay, laakiin ma bixinno xogta shaqsiga ama isha aan xogta ka helnay ama noo soo gudbisay ma sheegno.
MA NA SIIN KARTAA FAAHFAAHIN QAAR OO KU SAABSAN KIISAS AY RFJ KU GUULAYSATAY LACAG ABAALMARIN EE AY BIXISAY?
Bishii Febraayo 1995, Ramzi Yuusef, oo ka mid ahaa kuwii weerarradii Xarunta Ganacsiga Adduunka 1993, ayaa waxaa lagu ogaaday inuu joogo Pakistan oo halkaas ayaa lagu qabtay soo qabashadiisa waxaa ugu wacna qof bixiyay xogta ah halka uu ku sugan yahay qofkaas oo arkay abaalmarinta lacag ee RFJ ay bixinayso cidii keenta xog ku saabsan qofkaas la raadinayo.
Sidoo kale RFJ waxay bixisay abaalmarinno kala duwan oo ay siisay shakhsiyaad iyadoo abaalmarinta lagu bixiyay afar xafladood oo dadweyne oo kala duwan oo loogu qabtay dalka Filibiin. Taariikhdu markay ahayd 7da bisha Juun, 2007, xaflad lagu abaalmariyey dadwayne, RFJ waxay bixisay lacag gaaraysa $10 milyan oo doolar ah. Lacagta abaalmarin ee la bixiyay ayaa ah lacagta ugu badan ee RFJ ee Filibiin tan iyo markii uu barnaamijka bilaabay.
Barnaamijka RFJ waxay abaalmarin lacageed oo gaaraysa $3 milyan oo doollarka Mareykanka ah ay siisay shaqsigii keenay xog lagu soo xiray laguna xukumay hoggaamiyihii kooxda Argagaxisada Axmed Abuu Khattalah, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhacay 2012-kii oona lagu qaaday howlgalka ku meelgaar ah ee Mareykanka ee magaalada Benghazi ee dalka Liibiya oo lagu dilay afar qof oo Mareykan ah oo uu ku jiray safiirkii Mareykan ah.
SIDEE AYAYNU ISAGA HUBIN KARNAA IN DHAB AHAANTII AAD BIXISEEN ABAALMARINNO HADDII AADAN GUUD AHAAN WAX SI GAAR AH AADAN U BIXINNAYN?
Sida horey loo soo sheegnay, RFJ mararka qaarkood way sheegtaa marka ay jiraan ogaysiisyo xaddidan oo ku saabsan abaalmarinno ay ku bixiso kuwo caan ah.
Sidoo kale waxaan warbixin asturan aan siinaa Congress ka dib marka lacag abaalmarin aan bixinno.
MAXAY QAADATAA IN ABAALMARIN LOO KASBADO? MAXAY YIHIIN ABAALMARINTA AAD RAADINAYSAAN?
Waxaa dhici karta in shakhsiyaadka ay u qalmaan abaalmarin haddii ay bixiyaan xog:
- horseedaysa inay ka hortagto ama si wanaagsan u xalliyo falalka argagixisanimada caalamiga ah ee ka dhanka ah dad ama hanti Mareykan oo meel kasta oo adduunka ah taala.
- Horseeta in la aqoonsado ama la ogaado meesha uu joogo hogaamiyaha argagixisada shisheeye ee ugu muhiimsan.
- Carqaladeeynta hababka maaliyadeed ee shaqsiyaadka ku hawlan hawlaha qaarkood ee taageeraya nidaamka Waqooyiga Kuuriya.
- Loo aqoonsado ama la ogaado meesha ay ku sugan yihiin shaqsi kasta oo, inta ay ku shaqeeynayaan jihada ama ay maamusho dawlad shisheeye, caawiya ama ku xad-gudbida ku xad-gudubka Xeerka Ku-takri-falka iyo Ku-takri-fal Kumbuyuutarrada.
Saraakiisha dawladdu ayaan guud ahaan u qalmin abaalmarinta ilaa ay bixiyaan xog ka baxsan inta ay ku jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo ee rasmiga ah.
KA WARRAN HADDII ISHA XOGTA SOO GUDBINAYSA AY NOLOSHIISA/NOLOSHEEDA AY KHATAR GASHO INAY KA BIXIYAAN MACLUUMAADKA ARGAGIXISADA KA DIBNA NOLOSHIISA/NOLOSHEEDA AY KHATAR KU GASHO? MA KA BADBAADIN KARTAA RFJ?
Asturnaanta ayaa ah qaybta ugu muhiimsan ee barnaamijka RFJ. RFJ waxay si adag u xafdisaa aqoonsiga ilaha xogta u keento iyo shaqsiyaadka la siiyo abaalmarinta. Taas waxaa raacsan, waxaa dhici karta in dib u dejin meel kale laga siiyo anagoo oo eegeyna xaalad kasta mid-mid u eegayna oo loo fidinayo qofka qoskiisa/keeda.
SIDEE AYAA SHAQSIYAADKA LOO SIIYAA LACAGTA?
Lacagta abaalmarkinta ee RFJ waa nidaam wada tashi ah:
- Hay’adda baarista ee Maraykanka (sida Wasaaradda Difaaca ama FBI-da) ama safaaradda Maraykanka ee dibadda waa inay marka hore qof u magacawdo abaalmarinta. Shakhsiyaadka sheegta inay bixiyeen xogta waxaa laga yaabaa inaysan iskood isu magacaabin abaalmarinta.
- Marka dib-u-eegis sharciyeed lagu sameeyo u-qalmitaanka, guddi hay’addo ayaa markaa si taxadar leh u qiimeeya macluumaadka ay bixiso hay’adda magacaabista. Ka dib markii ay ka baaraandeggaan magacaabista, guddigu waxay talo u soo jeedinayaan Xoghayaha Arrimaha Deibadda.
- Talooykinka ay guddiga soo jeediso, si kastaaba ha noqotee, aanu ahayd mid dhaqan gal ah. Xoghayaha Arrimaha Deibadda ayaa si buuxda u go’aansanaya in uu oggolaado iyo in kale lacag kasta ee abaalmarin oo la bixiyo iyo in kale, waxaana uu beddeli karaa qaddarka abaalmarinta, iyada oo la raacayo shuruudaha sharciga.
- Kahor inta aan la bixin lacagta abaalmarinta arrin ay ku jirto xukun-dembiyeedka dowladda federaalka, Xeer Ilaaliyaha Guud waa in uu la heshiiyaa Xoghayaha.
- Magacaabistu ma hubaal qaadayso oggolaanshaha lacag bixinta. Go’aaminta lacag-bixinta ee Xoghayuhu waa kama-dambays waana dhammaatay oo kuma xirna dib u eegis maxkamad.
SIDEE AYAA LOO GO’AAMINAYAA QARADKA LACAGTA ABAALMARINTA?
Qadarka abaalmarintu waxaa lagu saleeyaa dhawr arrimood, oo ay ku jiraan, laakiin aanu ku koobnayn oo kaliya: tayada macluumaadka la helay; heerka khatarta ay yareeyeen xogta la helay; darnaanta khatarta ama dhaawaca dadka Mareykanka ama hantida ay soo bandhigtay hanjabaaddu; khatarta soo food saartay isha iyo qoyskiisa; iyo heerka wada shaqaynta isha xogta. Ma jiro lacag loo bixinayo si loo beddelo hadalka markhaatiga.
Lacagta la siinayo qofka soo sheega ayaa waxay noqon kartaa qaddar kasta ilaa wadarta qaddarka doollar ee abaalmarin la xayeysiiyay.
RFJ WALIGEED QOF MA KA SAARTAY LIISKA ABAALMARINTA CADDAALAADDA? HADDII AY JIRTO, WAAYO IYO SABAB?
Haa, Abaalmarinta Caddaalaadda waxay liiska ka saartay tuhmanayaal kala duwan sannadihii la soo dhaafay, oo liiska waxaa ku jiraan hoggaamiyaha al-Qaacida Usama bin Ladin iyo hoggaamiyaha ISIS Abuu Bakr al-Baghdadi.
Kuwa la tuhmayo ayaa waxaa laga yaabaa in laga saaro liiska RFJ sababo kala duwan awgood looga saaro, sababahaas oo ay ku jiraan marka ay xabsiga u taxaabaan sharci fulinta ama ciidamada ammaanku, ay xaqiijiso in ay dhinteen, ama haddii kale ay caddeeyaan in ilo rasmi ah in ay soo bandhigaan in hanjabaad aysan geysan doonin.
ADIGA OO ABAALMARIN BALANQAADAYAY, MIYAADAN DHIIRIGALINNAYN KUWA DADKA UGAARASADA?
Anaga sideedaba ma dhiirigelinnayno ugaarsasho dadka iyo dadka kale ee aan dowladda ku jirin inay daba galaan oo ay soo qabtaan argagixisada ama dadka kale ee la raadinayo; Taas beddelkeeda, RFJ waxay abaalmarin ku siisaa xogta u sahlaysa in hay’adaha dawladda ee ku habboon inay helaan oo soo qabtaan shakhsiyaadkaas la raadinayo.
HADDII AAN RABO INAAN BIXIYO XOG, YAAN ULA XIRIIRAYAA?
Shakhsiyaadka haya xog waxay farriin qoraal ay u diri karaan RFJ iyagoo ugu diraya WhatsApp ka, Telegram, ama Signal +1 (202) 975-9160.
Sidoo kale shakhsiyaadka waxay macluumaadkooda ku soo gudbin karaan iyaga oo la xiriiraya Xafiiska Amniga Gobolka ee safaarada ama qunsuliyada Maraykanka ee kuugu dhow, ama xafiiska FBI-da ee kuugu dhow.
WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAN OGOLAANSHO U HELO ISTICMAALKA WAXYAABAHA (SAWIRRADA) EE KU JIRA BARTAADA INTERNETKA EE AAN U ISTICMAALO SOO JEEDINTAYDA AMA DAABACAADDAYDA.
Aysan ka ahayn haddii ay ku qoran tahay ama aan lagu caddayn xuquuq-daabacaad, macluumaadka ku jira boggeena waa mid dadweynaha u furan oo dib loo daabaco, la daabici karo ama si kale loo isticmaali karo iyada oo aan fasax laga haysan RFJ. Waxaan codsaneynaa in RFJ loo soo qaato in iyagu ay yihiin halka laga soo xigtay xogta iyo in sawir kasta oo qoraal ah ama khariidad ah si isku mid ah si markaa loogu qaddariyo sawir qaadaha ama qoraaga RFJ, sida ku habboon.
Haddii xuquuqda daabacaadda lagu muujiyo sawir, garaaf, ama walxo kale, ogolaanshaha nuqul ka mid ah muuqaalka waa in laga helaa isha asalka ah. Intaa waxaa raacsan, waa inaad oggaataa in xeerka dembiilaha, 18 USC 713, uu mamnuucayo isticmaalka Shaabadda Weyn ee Maraykanka xaaladaha qaarkood ee lagu qeexay qaybtaas; Sidaa darteed, waxaan kugula talineynaa inaad la tashato la-taliye ka hor intaadan isticmaalin Shaabadda Weyn xaalad kasta.
