Xarakat al-Muqawama al-Islaamiya (Xamaas)

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Xarakat al-Muqaawama al-Islamiya (Xamaas) waxaa la aasaasay sannadkii 1987-kii markii uu bilowday kacdoonkii ugu horeeyay ee Falastiiniyiinta, ama Intifaadada ugu horeysay, taasoo ka soo baxday laanta Falastiin ee Ikhwaanul Muslimiinta. Xamaas waxay leedahay garab milatari ah oo loo yaqaan guutada Izz al-Diin al-Qassam kuwaas oo weeraro badan oo ka dhan ah Israel ka fulinayay ama ka waday labada Israel iyo dhulka Falastiin tan iyo 1990-naadkii. Weeraradan waxaa ka mid ahaa qaraxyo waaweyn oo lala beegsaday bartilmaameedyo ay Israa’iil leedahay oo rayid ah, weerarro hub fudud ah, qaraxyo jid-gooyo ah iyo weerarro gantaallo ah. Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii dhacay bishii Agoosto ee sanadkii 2001-dii lagu qaaday maqaayad ku taal Jerusalem Sbarro Pizza oo ay ku dhinteen 15 qof oo ay ku jiraan labo Mareykan ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 120 qof. Bishii Abriil 2016, xubin ka tirsan kooxda Xamaas ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday bas marayey magaalada Quddus oo ay ku dhinteen 20 qof.

Taariikdu markay ahayd 8da bisha Oktoobar, 1997, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Xamaas u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Mar dambe, taariikhdu markay ahayd 31kii bishii Okotoobar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Xamaas waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Xamaas, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Xamaas la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xamaas.

Skip to content