Weerar lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka iyo Pentagon (9/11)

Dhulka la isku Yiraahdo (Western Hemisphere)

Abaal-marin

Ilaa 25 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $25 milyan ciddii keenta xog ku saabsan weerarradii dhacay taariikhdu markay ahayd 11ka bishii Seteember, 2001 ee weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka (World Trade Center) iyo Pentagon. Sagaal iyo tobban oo mid ah argagixisada xiriir la leh al-Qacida (AQ) ayaa afduubtay afar diyaaradood oo ganacsi ah oo ku sii jeeday gobolka California, kuwaas oo ka yimid saddex garoon oo kala duwan oo ku yaal bariga Maraykanka. Argagixisadu waxay laba diyaaradood ku burburiyeen daaradaha waaweyn ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee magaalada New York, Gobolka New York, halka mid saddexaadna ay ku burburtay dhinaca galbeed ee Pentagon-ka ee Arlington, Virginia. Diyaaradda afaraad ayaa ku burburtay meel u dhow Shanksville, Pennsylvania, iyadoo rakaabka ay isku dayeen inay afduubayaasha ay kala wareegaan.com. Guud ahaan, weerarradaas waxaa lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ah muwaadiniin waddamo badan oo caalamka ka soo jeeda. Hoggaamiyaha AQ Usama bin Ladin oo hadda geeriyooday ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo duubay sheegtay mas’uuliyadda qorsheynta iyo fulinta weeraradan.

Labadii diyaaradood ee ugu horeysay oo ka duulay Garoonka Caalamiga ah ee Boston Logan, ayaa la afduubtay, waxaana ay ku dhaceen daaraha waaweyn ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ee Magaalada New York. Saamaynta diyaaradahan iyo dabkii ka dhashay ee shidaalka gubanaya ee diyaarada ayaa waxyeelo u geystay dhismayaashii dhaadheer illaa heer ay ku soo dumaan. Weerarkii dhismaha waxaa ku dhintay in ka badan 2,600 oo qof.

Diyaarad saddexaad oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Washington Dulles, ayaa la afduubay, waxayna ku dhacday dhinaca Koonfur-galbeed ee Pentagon-ka, nus saac ka dib markii diyaaradda labaad ay dhufatay Xarunta Ganacsiga Adduunka. Ku dhufashadaas ay ku dhufatay ayaa waxaa ku dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda, 125 qof oo ku sugnaa gudaha dhismaha, waxaana burbur xooggan u geystay dhismaha.

Diyaaradda afaraad ayaa ka soo duushay Garoonka Caalamiga ah ee Newark, waxaana loo badinayaa inay u socotay xarunta US Capitol ama Aqalka Cad. Hasa ahaatee, rakaabkii la socday diyaaradda ayaa kula dagaalamay argagaxisada inay gacanta ku dhigaan diyaaradda. Muwaadiniintan geesiyaasha ah darteed, argaggixisadu waligood ma gaarin yoolkoodii, waxayna diyaaraddu ku burburtay meel u dhow Shanksville, Pennsylvania, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 40 qof oo diyaaradda saarnaa.

Weeraradan ayaa ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ciidan shisheeye ku qaadaan Mareykanka dhexdiisa tan iyo Pearl Harbor 1941-kii.

Skip to content