Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Weerarradii Niger ka dhacay 2017dii.
Taariikhdu markay ahayd 4ta bisha Oktoobar, 2017, meel u dhow tuulada Tongo Tongo, dalka Niger, ISIS-Greater Sahara (ISIS-GS)–maleeshiyaad xiriir la leh ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday koox ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo loo xilsaaray tababarida, latalinta, iyo caawinta ciidamada Niger ee argaggixisada la dagaalamaya. Weerarka wuxuu dhaliyay dhimashada afar Mareykan ah iyo afar ka tirsan ciidanka Naayjeeriyaanka. Laba kale oo Mareykan ah iyo sideed reer Naayjeeriyaan ah ayaa ku dhaawacmay is-galkaas. Taariikhdu markay ahayd 12ka bishii Janaayo, 2018, hogaamiyaha ISIS-GS Cadnaan Abu Walid al-Sahraawi ayaa sheegtey mas’uuliyadda weerarka.

