Kuhusu
Barnaamijka Abaal-marinta Cadaaladda wuxuu bixinayaa abaal-marin gaaraysa ilaa $5 milyan oo doollar cid kasta oo keenta macluumaad ama xog la xiriirta Abdikadir Mohamed Abdikadir, sidoo kalena loo yaqaan Ikrima, iyo shaqsiyaad kale oo mas’uul ka ahaa weeraradii argagaxiso ee 2010-kii ka dhacay Kambala, Uganda.
11-kii July/luulyo ee 2010, kooxda aragagixisada Alshabaab ayaa waxay weeraro ismiidaamin ah ku qaaday labo goobood oo ku yaala caasimada dalka Uganda ee kambala xili lagu guda jiray baarista dadka galaya fiinaalka koobka ciyaaraha aduunka, iyagoo ku dilay 76 qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Qaraxyadaani waxay astaan u ahaayeen weeraradii ugu waa weeynaa ee Alshabaab markii ugu horeeysay ka fuliyaan meelo ka baxsan Somalia. Qaraxii ismiidaaminta ee ugu horeeyay waxuu ka dhacay makhaaxi Itoobiyaan ah, abaarihii 10:30 p.m, oo ku taala xaafadda Kabalagala. Kadib, ismiidaamiye labaad iyo walxo kale oo qarxa ayaa waxay ku qarxeen Rugby Kalaab oo ku yaala xaafadda Nakawa, abaarihii 11:20 p.m.
Abdikaadir Mohamed Abdilkadir, loona yaqaan Ikrima, oo ah xubin sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa kaalin weeyn ka geeystay qorsheeynta iyo hagida weeradii Kambala. Ikrima wuxuu helay warbixino sirdoon oo ku saabsan meelo kala duwan oo gudaha Kambala ah. Isaga oo ay weheliyaan horjoogayaal kale oo Alshabaab ah, ayaa wuxuu go’aansaday inuu weeraro baararka banaanka ku yaal oo loo arko ineey yihiin bartilmaameedyo fudud.
