Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $1 milyan oo doolar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan qof kasta oo lug kulahaa weeraarki ka dacay garoonka caalamiga ah ee Kismayo, bishii Sebtembar 4, 2025 oo logo beegsanayay militriga iyo hantida Maraykanka.
Kuuxda argagaxisada ah ee al-Shabaab – ururka ugu weyn ee Al-Qaacida ku leedahay Bariga Afrika ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii isugu jiray gantaalaha iyo rasaaseeynta ee lagu beegsaday ciidamada Maraykanka iyo ciidamada Afrikaanka ee xulufada ay yihiin ee ku sugnaa garoonka. Mas’uuliyiin militargika Maraykanka ka tirsan ayaa sheegay in weeraarkaas uuna geeysan wax dhawaac ama khasaaro ah.
Ciidamada qalabka sida ee Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababar iyo taageero siiya Soomaalida iyo xulufada gobolka ee ku jira hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah weeraro argagixisnimo oo faro badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo wadamadda dariska ah, ku waas oo ay ku dhinteen kumaankun oo qof, oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso Shisheeye (FTO) iyo Argagixiso Caalami ah oo si gaar ah loo calaamadeeyay (SDGT) bishii Maarso 2008. Bishii Abriil 2010, ururka al-Shabaab waxaa sidoo kale ay Guddiga Cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku xusseen qodobka 8 ee qaraarka 1844 (2008).
