Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaya abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan oo doolar qofkii keena xog lagu carqaladeyn karo lacagaha ururka argagixisada ee al-Qaacida Jaziiratul Carab (AQAP) oo saldhigoodu yahay Yemen.
AQAP, oo saldhigoodu yahay Yemen, waxay dhaqaalaha ku helaan siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin baadda, tahriibinta iyo iibinta shidaalka, ka ganacsiga dadka, afduub madax-furasho, samafallada been abuur ka ah, iyo deeqo ay ka helaan shaqsiyaad dibadda jooga. Hogaamiyayaasha AQAP waxay lacagahan u isticmaalaan inay ku iibsadaan hubka, tababarada, iyo hawlgalada argagixisnimo, si ay u qabsadaan qaybo ka mid ah Yemen.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay bixinaysaa abaal-marinno ku saabsan qofkii keena macluumaad sahlaya aqoonsiga iyo carqaladeeynta ilaha dhaqaale ee AQAP iyo qaababka fududeeynta maaliyadeed oo ay ku jiraan:
- Shirkadaha shaatiyada kale huwan ee kulug leh hawlo caalamiga ah iyaga oo matalaya AQAP;
- Shirkaddaha ama shakhsiyaadka caawiya AQAP iyagoo ka dhuumaalaysanaya cunaqabateynta Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah;
- Hay’addaha rasmiga ah ee la leh ganacsiga dhaqaale AQAP;
- Lacagaha iyo agabyaasha ay AQAP xawisho.
- Deeq-bixeyayaasha ama fududeeyayaasha dhaqaalaha AQAP
- Hay’adaha maaliyadeed ama sariflayaasha lacagaha qalaad ee u fududeeya AQAP kharashiyaadka;
- Ganacsiyada ama maalgelinta ay leedahay ama ay maamusho AQAP ama maalgeliyayaashooda
- Ololaha lacag-ururinta dhanka internetka oo ay abaabulaan ama ay faa’iidadu ugu jirto AQAP;
- Nambarada xisaabaadka maaliyadeed iyo ciwaannada lacagta elektaroonigga ah ee ay AQAP isticmaasho si ay lacagaha u xawisho ugana samayso ganacsi;
- Dembiyada abaabulan oo ay ku lug leeyihiin xubnaha AQAP iyo taageerayaashooda, kuwaas oo ururku ka faa’iidaysto dhaqaale ahaan.
Al-Qaacidada Jaziirada Carabta (AQAP) waxay soo shaac baxday bishii Janaayo 2009kii kadib markii ay midoobeen kooxaha argagixisada ee ku sugan wadamada Yaman iyo Sacuudiga. Hadafyada ay kooxda AQAP tiigsanayso ayaaa waxaa ka mid ah, dhisida Khilaafaad iyo in Shareecada laga hirgaliyo Jasiiradda Carabeed iyo gabi ahaanba Bariga Dhexe. AQAP waxay weeraro ku qaaday dadka deegaanka, Maraykanka, iyo danaha reer Galbeedka ee Jasiiradda Carabta; iyo waliba dibadda. Kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda falal argaggixisanimo oo faro badan, oo uu ku jiro weerar kii dhacay bishii Janaayo 2015-kii ee lagu qaaday xafiisyo wargayska Charlie Hebdo uu ku lahaa magaalada Baariis, kaas oo ay ku dhinteen 12 qofood.
AQAP waa xubin ka tirsan ururka argagixisada ee al-Qaacida (AQ), waxayna si dhow ula shaqeysaa hogaanka caalamiga ah ee AQ si ay u beegsato mushtamaca ku xiran reer galbeedka iyo kor u qaadista wada shaqaynta ay la leedahay ururada kale. Ahmiyada ay AQAP ku leedahay ururka waa fududeeynta maaliyadeed iyo isku xirka u dhexeeya AQ iyo guud ahaan shabakada.
AQAP waxay soo abaabushay isku day fashilmay December 25, 2009, oo ay ku doonaysay inay diyaarad ku qarxiso bumbooyin uu xirnaa nin argagixisa ah oo la yidhaaho Cumar Faaruuq Abdulmutallab. Kooxda ayaa sidoo kale waxyaalaha qarxa kusoo dhex qarisay kumbiyuutaro iyagoo soo saaray labo diyaaradood oo xamuul ah kuna sii jeeday dalka Maraykanka dabayaaqadii 2010. Bambaanooyinkaas ayaa bishii Oktoobar 29-keedii 2010-kii la helay iyagoon wali qarxin intii ay diyaaradu ku sugnayd laba goobood oo ay taraansid ku ahayd.
Taariikdu markay ahayd 19kii bishii Janaayo, 2010, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa AQAP u aqoonsatay inay yihiin Urur Argaggixiso oo Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda. sida wax laga beddelay, iyo sida Argaggixiso Caalami oo Gaar u Magacaaban sida uu dhigayo Amarrada Dowliga ee 13224, sida wax laga beddelay. Sidaas awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti ee AQAP ee hoos timaada Garsoorka Mareykanka ayaa la xannibay, isla markaana guud ahaan shaqsiyaadka Mareykanka waxaa laga mamnuucay inay macaamilaan ama wax is dhaafsadaan AQAP. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, la isku dayo in la siiyo, agab, taageero ama taakulo uruka AQAP.
