Kuhusu
Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada caalamagiga ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.
Marka laga soo tago dhaqaalaha ay Xamaas ka hesho Iiraan, sanduuqaydeeda maalgashiga ee sirta ah ee caalamiga ah waxaa soo gala dakhli aad u badan oo qiimihiisa lagu qiyaaso boqollaal milyan oo dollar. Iyada oo shirkadaheedu ay ka hawlgalaan dalalka Suudan, Turki, Imaaraadka Carabta iyo dalal kale.
Sidoo kale Xamaas waxay ku tiirsan tahay deeqaha lacagaha yar-yar, iyagoo lacago badan ka aruuriyay isticmaalka ololaha internetka iyo lacagaha dhijitaalka ah ee lagu isticmaalo interneetka.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa abaal-marin lacageed ku bixinaysa xog kasta oo horseedaysa aqoonsiga iyo carqaladaynta ilaha dakhliga ee Xamaas iyo hababka fududaynta dhaqaale ee muhiimka ah, oo ay ka midka yihiin:
- Shirkadaha dahsoon ee gacan ka geysta dhaqdhaqaaqyada caalamiga iyaga oo Xamaas matalaya;
- Shirkaddaha ama shakhsiyaadka Xamaas gacan ka siiya inay ka dhuuntaan cunaqabateynta Mareykanka iyo kuwa caalamiga ahba.
- Hay’addaha dhaqaale ee rasmiga ah oo ganacsiga la sameeya Xamaas;
- Agabyada iyo lacagaha ay Xamaas xawisho;
- Deeq-bixeyayaasha ama kuwa dhaqaalaha u fududeeya Xamaas;
- Hay’adaha maaliyadda ama sarifka lacagaha ee u fududeeya Xamaas wax isdhaafsiga;
- Ganacsiyada ama maalgelinta ay leedahay ama ay gacanta ku hayso Xamaas ama maalgeliyayaashooda;
- Ololaha lacag-ururinta ee khadka internetka ee ay bilaabeen ama ay Xamaas ka faa’idaysato;
- Lambarada akoonada maaliyada iyo cinwaannada lacagta internetka ee ay Xamaas isticmaasho si ay lacagaha u la wareegto ugana sameeyso ganacsi; iyo
- Dambiyada nidaamsan ee ay ku lugleeyihiin xubnaha iyo taageerayaasha Xamaas, kuwaas oo dhaqaale ahaan ururka uu faa’iideynaya.
Xamaas waxaa la aasaasay sanadkii 1987 markii uu bilowday kacdoonkii ugu horeeyay ee Falastiin, ama intifaadadii ugu horeysay. Garabkeeda militari ee guutada Cissa Diin al Qaasam – waxay bilaabeen weeraro ka dhan ah Israa’iil lagana fuliyayay labada dhinac ee Israa’iil iyo xuduudaha Falastiin ilaa iyo 1990-kii. Weeraradan waxaa ka mid ahaa qaraxyo waaweyn oo lala beegsaday shacabka Israa’iil, weerarro loo adeegsado hubka fudud, walxaha qarxa, iyo weerarro gantaallo.
Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii dhacay bishii Agoosto ee sanadkii 2001-dii lagu qaaday maqaayad ku taal Jerusalem Sbarro Pizza oo ay ku dhinteen 15 qof oo ay ku jiraan labo Mareykan ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 120 qof.
In April 2016, a Hamas member carried out a suicide attack on a bus in Jerusalem that killed 20 people.
On October 7, 2023, Hamas terrorists launched coordinated attacks from Gaza into Israel which left more than 1,500 innocent civilians – including U.S. citizens – dead and missing. Additionally, Hamas fighters captured more than 200 hostages, including more than a dozen U.S. persons, in that assault and forced them across the border into Gaza.
On October 8, 1997, the U.S. Department of State designated Hamas as a Foreign Terrorist Organization under section 219 of the Immigration and Nationality Act, as amended. Later, on October 31, 2001, the Department of State designated Hamas as a Specially Designated Global Terrorist pursuant to Executive Order 13224, as amended. As a result, all of Hamas’ property, and interests in property, subject to U.S. jurisdiction are blocked, and U.S. persons are generally prohibited from engaging in any transactions with Hamas. It is a crime to knowingly provide, or to attempt or conspire to provide, material support or resources to Hamas.
