Shabakada Maaliyadda ee Xizbullah

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya | Bariga Aasiya iyo Baasifigga | Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe | Caalamka | Dhulka la isku Yiraahdo (Western Hemisphere) | Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya | Yurub iyo Eurasia

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Xizbullah. Xizbullah waxay ku tiirsan yihiin shabakado maal-galin iyo shabakado u fududeyeeya si ay u sii wadaan hawlgallo iyo weerarda ay caalamka ka geystaan. Xizbullah waxay sannad kasta kasbadaan hal bilyan oo doolar iyada oo ay u soo marto taageero dhaqaale oo toos ah oo ay ka helaan Iiraan, ganacsiyada caalamiga ah iyo maalgashiga, shabakadaha deeqaha bixiya, musuqmaasuqa, iyo dhaqdhaqaaqa lacag aan sharci ahayn.

Xizbullah waxay isticmaashaa taageerada dhaqdhaqaaqa rabitaanka ee adduunka, oo ay ku jiraan: geynta xubnahooda maleeshiyada ay daadgureeyaan Suuriya iyagoo ku taageeraya kaligii taliyaha Assad; hawlgallada lagu eedeeyey in ay sameeyaan ilaaladooda iyo ururin sirdoon oo ay ka sameeyaan Mareykanka gudahood; iyo wanaajin awooddaha milateri ee kor u qaadista illaa heer ay Xizbullah sheeganayso in ay leedahay gantaallo si sax isu hagga. Hawlgalladan ururradan argagixiso waxaa lagu maalgeliyaa shabakadda caalamiga ah ee Xizbullah ee taageerada maaliyadeed iyo dhaqdhaqaaqyo — ka haqabtirayaasha maaliyadeed iyo dhismo kuwaas oo ka dhigaya mid saamayn ku leh kooxda. Hizballah waxay heshay hub xadi badan, tababar, iyo maalgelin oo ay ka hesho Iiraan, kaas oo Waaxda Arrimaha Dibedda uu ugu magacaabay in ururka uu yahay urur argaggixiso oo ay Dowlad Kafiilatay.

Taariikdu markay ahayd 8da bisha Oktoobar, 1997, Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa Xisbullah u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Mar dambe, taariikhdu markay ahayd 31kii bishii Okotoobar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Xizballah waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Xamaas, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Xizbullah la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xizbullah.

Waaxda Arrimaha Dibadda waxay bixinaysaa abaal-marinno ku saabsan xogta horseedda aqoonsiga iyo carqaladaynta:

  • Ilaha ugu muhiimsan ee meelaha dakhliga ka helo ururka ama farsamooyinka dhaqaale ee muhiimka ah;
  • Deeq bixiyayaasha ugu waaweyn ee Xizbullah iyo fududeeyayaasha dhaqaale;
  • Hay’adaha maaliyadeed iyo xarumaha kala beddelidda oo si kas u fududeya heshiisyada Xizballah ee muhiimka ah;
  • Ganacsiyada iyo maalgelinta ay Xizbullah iska leedahay ama ay gacanta ku hayaan;
  • Shirkadaha hore ee ku hawlan soo iibsiga caalamiga ah ee laba isticmaalka teknoolajiyada; iyo
  • Mashaariicda dambiyada ee ku lug leh xubnaha kooxda Xizbullah iyo taageerayaasha, kuwaas oo dhaqaale ahaan ururka ka faa’iideysanaya.

Skip to content