Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Sajid Mir, oo sidoo kale loo yaqaano Sajid Majid Chuhdri iyo Sajid Majid. Mir, oo ah xubin sare oo ka tirsan Urur Argaggixiso Shisheeye ee fadhigiisu yahay Pakistan (FTO) Lashkar-e-Tayyiba (LeT), ayaa loo raadinayaa ku lug lahaanshiyaha weerarradii argagixisanimo ee November 2008 ka dhacay Mumbai, India. Mir waxa uu ahaa maareeyaha hawlgalada LeT ee weerarada, isaga oo door hogaamineed ka ciyaarayay qorshayntooda, diyaarintooda, iyo fulintooda.
Laga bilaabo taariikhdu markay ahayd 26ka bisha Nofeembar, 2008, iyo illaa 29ka bisha Nofeembar, 2008, 10 qof oo uu tababaray LeT, ayaa fuliyay weeraro argaggixiso oo xiriirsan oo lala beegsaday bartilmaameedyo badan oo ku yaal Mumbai, India. halkaas oo lagu dilay 166 qof. Lix Maraykan ah ayaa ka mid ahaa kuwa lagu dilay intii lagu jiray weerarka 3 maalmood ah: Ben Zion Chroman, Gavriel Holtzberg, Sandeep Jeswani, Alan Scherr, Naomi Scherr, iyo Aryeh Leibish Teitelbaum.
Mir waxa uu xubin sare ka ahaa LeT tan illaa ku dhawaad sannadkii 2001. Intii u dhaxaysay sannadkii 2006 illaa 2011, Mir waxa uu masuul ka ahaa hawl-gallada dibadda ee LeT, waxana uu qorsheeyey oo uu agaasimay weerarro argaggixiso ah oo kala duwan isaga oo ka wakiil ahaa kooxda. Intaa waxa dheer, Mir ayaa lagu eedeeyay in uu maleegayay weerar argaggixisanimo ah oo ka dhan ah wargeys iyo shaqaalihiisa Danmark intii u dhaxaysay 2008 iyo 2009.
Doorkii isaga uu ku lahaa weeraradii Mumbai, Mir waxaa lagu soo oogay Maraykanka bishii Abriil 2011. Taariikhdu markay ahayad 30kii bisha Agoosto, 2012, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Mir waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Mir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Mir la sameeyaan. Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah Shukr loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo in loo fidiyo, taageero walax ama khayraad u fidiyo FTO ga LeT. Mir wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da. Waxaa la rumeysan yahay inuu ku nool yahay dalka Pakistan.
