Radullan Sahiron

Bariga Aasiya iyo Baasifigga

Abaal-marin

Ilaa 1 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $1 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Radullan Sahiron, oo sidoo kale loo yaqaano Putol. Tan iyo illaa sannadkii 2005, Sahiron waxa uu ahaa hogaamiyaha guud ee kooxda Abu Sayyaf (ASG) ee fadhigeedu yahay dalka Filibiin, oo ah Ururka Argaggixisada Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO).

Sahiron waxa uu fuliyay dhowr fal argaggixisanimo oo isugu jira qaraxyo loo geystay dad rayid ah iyo afduubyo loo geystay dad u dhashay Mareykanka iyo ajaanib kale.

Sahiron waxa uu amar ku bixiyay in la duqeeyo Jaziirada Jolo sannadka markuu ahaa 2004-tii, halkaas oo lagu dilay 11 qof oo rayid ah oo Filibiin u dhashay iyo askari Maraykan ah, in ka badan 200 oo kalena waa lagu dhaawacay. Walxaha miinooyinka macmal ah ayaa markii hore la isugu geeyay xarunta Sahiron, Camp Tubig Tuh-Tuh, oo ku taal Jaziirada Jolo ee dalka Filibiin. Sahiron wuxuu door ka ciyaaray ama kaalin ku lahaa afduubkii Dos Palmas ee bishii Maajo 2001 ee saddex muwaadin oo Maraykan ah iyo 17 Filibiin ah oo laga soo afduubay goob loo dalxiis tago oo ku taal Palawan, Filibiin. Dhawr ka mid ah dadkii la haystayaasha ahaa oo uu ku jiro Guillermo Sobero oo u dhashay Maraykanka ayaa la dilay. Sahiron waxa loo tixgaliyey inuu yahay hogaamiyihii furaha u ahaa Afduubkii dhacay bishii Abriil 2000 laga soo qafaashay goob loo tamashle tago oo ku taal Sipadan, Malaysia. Sahiron iyo afar kale oo ASG ka tirsan ayaa afduubtay 21 dalxiisayaal ajnabi ah iyo shaqaale dalxiis, oo ay ku jiraan reer Galbeedka, Malaysian iyo Filibiin.

Sahiron waxa uu soo qabtay xil sare oo dhawr ah ka soo qabatay ASG. Horaantii sannadkii 1999-kii, waxa uu ka mid ahaa 14 xubnood oo ka tirsan golaha la-talinta ee ASG ee Majlis Shuura. Bartamihii sannadkii 2002-dii, waxa uu lataliye u noqday hogaamiyaha ASG Khadaffy Janjalani.  Waxaa intaa dheer, Sahiron waxa uu dhowr jagooyin oo hoggaamineed ka soo qabatay dagaalyahannada ASG ee aagga Sulu Archipelago ee koonfurta Filibiin. Laga soo bilaabo sannadkii 2000 illaa 2003, Sahiron waxa doorar kala duwan oo hogaamineed ka soo qabtay ASG, oo uu ku jiro hogaamiyaha ASG’s Putol, oo ka kooban xubno lagu qiyaasay 100 oo ka hawlgala Jaziirada Jolo ee degaanka Sulu ee koonfurta Filibiin; isagoo ahaa madaxa ASG ee fadhigeedu yahay Sulu oo ka kooban 18 kooxood oo hubaysan; isaga oo ahaa Madaxa ASG ee Sulu; iyo isaga oo ahaa taliyaha guud ee ASG ee Jaziirada Jolo oo lagu qiyaasay 1,000 taageere si buuxda u hubaysan.

Waxaa dhici karta in Sahiron uu ku dhuumaaleysto koonfurta Mindanao ama Patikul Jolo, Sulu, Filibiin.

Taariidku markay ahayd 27ka bisha Febraayo, 2007-dii, Sahiron waxaa lagu soo oogay maxkamad federaal ah ee Mareykanka waxaana lagu eedeeyay afduub. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa isla taariikhdaas soo saaray amar lagu soo xirayo. Sahiron wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da.

Taariikhdu markay ahayad 30ka bisha Nofembar, 2005, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Sahiron waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Sahiron hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Sahiron la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO ASG.

Skip to content