Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Murat Karayilan, oo sidoo kale loo yaqaano Cemal. Karayilan waa hogaamiye sare oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) waana madaxa ciidamada difaaca dadka ee PKK, garabka militari ee kooxda. PKK waa Urur Argaggixiso Shisheeye oo uu Maraykanku u aqoonsaday.
Taariikhdu markay ahayd 14ka bishii Oktoobar, 2009, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay Karayilan u magacawday inuu yahay ka ganacsade Sare ee Shisheeye ee Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka Magacaabidda Maandooriyaha ee Kingpin (Xeerka Kingpin). Magacaabistan darteed, wax kasta oo hanti ah oo uu leeyahay Karayilan wuxuu hoos imaanayaa xukunka Mareykanka waana la xayiray, waxaana dadka Mareykanka laga mamnuucay inay la sameeyaan macaamil maaliyadeed ama ganacsi Karayilan.
