Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamed Cali Xamadei, oo sidoo kale loo yaqaano Cali Xamadei iyo Castro. Xamadei, oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Xisbullah, ayaa loo raadinayaa doorkii uu ku lahaa afduubkii TWA Flight 847 ee sannadkii 1985-kii.
Taariikhdu markay ahayd 14ka bishii Juun, 1985, argagixisadu waxay afduubteen Duulimaadka TWA 847 xilli ay ka duushay Athens kuna socotay magaalada Rome. In ka badan 17 maalmood, diyaaradda waxaa lagu qasbay in ay isku sii gudubto badda Mediterranean-ka iyada oo ay saaran yihiin 153 rakaab ah iyo shaqaale, Beirut kuna socotay Algiers iyo mar kale, iyada oo ku degtay Beirut saddex jeer. Intii lagu guda jiray joogsigii koowaad ee Beirut, afduubayaashu waxay si xun u garaaceen, ka dibna ay toogteen oo dileen, quusiyihii ciidamada badda ee Maraykanka Robert Stethem.
Taariikhdu markay ahayd 14ka, bisha Nofeembar, 1985, Xamadei ayaa lagu soo oogay dacwad doorkii uu isaga ku la’haa iyo ka qaybqaadashadii afduubka. Waxaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Frankfurt taariikhdu markay ahayd 13ka bisha Janaayo, 1987. Dowladda Maraykanku waxay doonayey in loo soo gacan geliyo, laakiin Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka ayaa waxay go’aansatey in ay Xamadei ay maxkamad ku saarto dalka Jarmalka, bisha Maajo 1989, waxaa lagu helay dil, afduub, weerar iyo afduub. Xamadei ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Taariikhdu markay ahayd 15ka bisha Diseembar, 2005, si kastaba ha ahaatee, xabsigii waa laga sii daayay. Xamadei Beirut ayuu ku laabtay, halkaas oo la rumeysan yahay inuu degan yahay.
Taariikhdu markay ahayad 12ka bisha Oktoobar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Xamdaei waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Sidaa darteed u aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Xamadei hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Xamadei la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xisbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye. Xamadei wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da.
