Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Khalil Yusif Xarb oo sidoo kale loo yaqaano Sayyid Axmad iyo Abu Mustafa. Xarb waxa uu la-taliye dhow u yahay Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyaha Ururka Argagaxisada Shisheeye ee uu Maraykanku u aqoonsan yahay Xisbullah, waxaanu soo noqday madaxa xiriirka milateri ee kooxdan ee ururrada argaggixisada ee Iiraan iyo Falastiiniyiinta. Xarb waxa uu amar ku bixiyay oo uu kormeeray hawlgallada milatari ee Xisbullah ee dhulka falastiiniyiinta iyo dhawr waddan oo ku yaala bariga dhexe. Laga soo bilaabo sannadkii 2012, Xarb waxa uu ku hawlanaa dhaq-dhaqaaqa lacag badan oo loo dirayo xulafada siyaasadeed ee Xisbullah ee Yemen.
Taariikhdu markay ahayad 22ka bisha Agoosto, 2013, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Saciid waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Sidaa darteed u aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Xarb hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Xarb la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO ga Xizballah.
