Junzō Okudaira

Bariga Aasiya iyo Baasifigga | Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe | Yurub iyo Eurasia

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ah ciddii macluumaad ku saabsan Junzō Okudaira ee qarixii Naadiga USO ee Naples, Talyaaniga taariikhdu markay ahayd 14-kii bishii Abriil, 1988-kii. Qaraxa waxaa ku dhintay shan ruux oo mid ay aheyd haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 15-ruux oo ay ku jiraan afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka.  Okudaira, oo xubin ka ah kooxda argaggixisada ah ee Ciidanka Cas ee Jabbaan, ayaa lagu soo oogay gudaha Maraykanka taariikhdu markay ahayad 9-kii bishii Abriil, 1993-kii weerarkii Naadiga USO. Waxaa sidoo kale looga shakisan yahay in bishii Juun 1987 baabuur qarax iyo hoobiye lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Rome.

Skip to content