Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan dilkii muwaadinkii Maraykanka ee magaciisu ahaa Joel Shrum. Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Maarso, 2012, Shrum, oo 29 jir ahaa, ayaa lagu toogtay oona lagu dilay isaga oo u socda shaqada magaalada Taizz, Yemen, waxaana dilay nin hubaysan oo saarnaa dhabarka dambe ee mooto kaas oo barbar socday baabuurkiisa. Dhowr maalmood ka dib weerarka, ururka argaggixisada ah ee al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP) ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka.
Waqtiga dhimashadiisa, Shrum wuxuu ka shaqeeynaayay Xarunta Tababarka iyo Horumarinta Caalamiga ah oo wuxuu ka ahaa maamule iyo macalin Ingiriisi dhiga. Waxa uu ku noolaa dalka Yemen isaga iyo xaaskiisa iyo laba carruur oo ay dhalleen.
