Kuhusu
ISIS-ta Galbeedka Afrika (ISIS-WA), oo ah koox ka tirsan kooxda argaggixisada ah ee Boko Haram, ayaa la aassaasay markii ISIS-WA ay ballan-qaadday inay daacad u tahay ISIS bishii Maarso 2015. ISIS ayaa aqbashay ballan-qaadka kooxda, waxaana kooxdu ay bilowday inay isugu yeerto ISIS–ta galbeedka Afrika. Sida xooggan uga hawlgasha waqooyi bari Nigeria iyo aaga weyn ee Lake Chad, ISIS-WA ayaa qaaday weeraro argaggixiso oo badan tan iyo 2016-kii. Bishii Nofembar 2018, ISIS-WA waxay sheegatay mas’uuliyadda shan weerar oo ka dhacay Chad iyo Nigeria oo sababay dhimashada 118 qof. Bishii Maajo 2019, ISIS-WA ayaa sheegatay mas’uuliyadda laba weerar oo ka dhacay galbeedka Niger, kaas oo lagu dilay 29 askari. Bishii Luulyo 2019, dagaalyahannada ISIS-WA waxay dileen 20 Nigeria ah iyo shan askari oo Chad ah intii lagu jiray weerar ay ku qaadeen saldhig milatari oo u dhow Baga, Nigeria.
Taariikdu markay ahayd 28ka bisha Febraayo, 2018, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ISIS-WA u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 27ka bisha Febraayo, 2018, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ISIS-WA waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ISIS-WA, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ISIS-WA la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo ISIS-WA.
