Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan Cabdullaahi Banati iyo qof kasta oo mas’uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay, Kenya, Janaayo 5, 2020. Xarunta Manda Bay waa saldhig milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, si ay u siiyaan xulufada Maraykanka ee Bariga Afrika tababar iyo taageero ku aadan ka hortagga argagixisada, ugana jawaabaan dhibaatooyinka iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka.
Aroornimadii hore ayaa maleeshiyada al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka, waxayna si isku mar ah u huwiyeen baasuukayaal iyo hubka fudud garoonka diyaaradaha ee ku dhagan Manda Bay. Labo duuliye oo qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsanaa waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle saddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena ahaa muwaadin Maraykan ah, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir ahaa militariga Mareykanka sidoo kalena ahaa hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay. Sidoo kale, labo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka. Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.
Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.
Cabdullaahi Banati wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa qorsheynta hawlgalka weerarkii Janaayo 5, 2020 ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Manda Bay. Al-Shabaab – oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika – ayaa mas’uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah. Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee qaraarka 1844 (2008).
