Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir. Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka. Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya.
Cabdikaadir ayaa door muhiim ah ka qaatay qorsheyntii iyo hogaamintii weeraradii Kambaala ee 2010.Wuxuu helay warbixino sirdoon oo ku saabsan goobo kala duwan oo Kambala ku yaal. Asaga oo ay weheliyaan horjoogayaal kale oo Alshabaab ah, ayaa wuxuu go’aansaday inuu weeraro baararka lagu caweeyo ee loo arko ineey yihiin bartilmaameedyo fudud.Cabdikaadir waxaa uu tababaray oo hagay hawlwadeeno muhiim ah, oo ay ku jiraan ismiidaamiyaal, sidoo kalena waxaa uu fududeeyay daabulidda suubanka ismiidaaminta ee loo isticmaalo weerarada.
Taariikhdu markay ahayad 6da bisha Agoosto, 2021, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Cabdikadir waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cabdikadir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdikadir la sameeyaan, Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah al-Shabaab loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo in loo fidiyo, taageero walax ama khayraad, Urur Argaggixiso Shisheeye ee Mareykanka u aqoonsaday.
