Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.
Axmed Sadu Jahleb waa hawl-wadeen Xamaas ka tirsan, wuxuuna qayb ka yahay shabakada maalgashiga Xamaas ee Turkiga. Jahleb waa xoghaye dhanka maal-gashiga Xamaas u qaabilsan wuxuuna isku dubaridaa hawlo kala duwan oo loogu talagalay shirkadaha ay Xamaas maamusho iyo saraakiisha Xamaas.
Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Okotoobar, 2023, Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa si qaas ah Jahleb ugu aqoonsatay inuu yahay Argaggixiso Caalami ah, iyadoo loo cuskanayo qodobka Amarrada Dowliga ee 13224, sida loo badalay. Magacaabistaas ayaa xannibaysa hantida shakhsiyaadka shisheeyaha iyo ururadda geysta, ama keena khatar weyn oo ah falal argagixisanimo. Taa waxaa raacsan, Amarku wuxuu dowladda Maraykanka uu u fasaxayaa in ay xannibto hantida shakhsiyaadka iyo hay’adaha bixiya taageerada, adeegyada, ama kaalmeeya, ama haddii kale xiriirka la leh, argagixisada iyo ururada argagixisada ee lagu magacaabay Amarka, iyo sidoo kale kaabayaashooda, ururada ay ku hoos-gabadaan,kuwa daahsoon, wakaaladaha, iyo la-hawlgalayaasha.
