Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa waxay bixinayaan lacag gaaraysa illaa $3 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Axmed Iman Cali. Cali waa taliye caan ah oo ka tirsan al-Shabaab, oo uu Maraykanku u aqoonsaday Urur Argaggixiso Shisheeye (FTO), kaas oo hogaamiyaha kooxda ka ahaa Kenya tan iyo sannadkii 2012. Wuxuu si toos ah uu u maamulaa howlgallada ka dhanka ah Kenya, ee lagu bartilmaameedsado ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya. Weerar noocaan oo kale ah oo bishii Janaayo 2016 ka ayaa wuxuu dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee dalka Soomaaliya, halkaa waxaa lagu jabiyay gabi ahaan fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya, waxaana lagu dilay in ka badan 140 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee AMISOM.
Cali ayaa sidoo kale mas’uul ka ah dacaayadaha Al-Shabaab ee lagu bartilmaameedsanayo dowladda Kenya iyo dadka rayidka ah, sida muuqaal la duubay bishii Luulyo 2017 oo uu ugu hanjabayay Muslimiinta ka tirsan ciidamada Kenya. Sidoo kale Cali wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qorista, isaga oo diiradda saari jiray dhalinyarada danyarta ah ee ku nool magaalada Nairobi, waxa uuna lacago ka aruurin jiray masaajidada si uu ugu taageero dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.
Taariikhdu markay ahayd 8da bisha Maarso, 2018, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Cali waxay u magawday inuu yahay Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cali hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Ali la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO al-Shabaab.
