Axmad Ibrahim al-Mughassil

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Axmad Ibrahim al-Mughassil oo sidoo kale loo yaqaano Abu Omran. Al-Mughassil oo lagu eedeeyay in uu yhay madaxa Ururka Argaggixisada Sacuudiga ee Xisbullah waana garabka milatariga, waxaa loo heystaa kaalintii uu isaga ku lahaa qaraxii ka dhacay daarta Khobar ee ku dhow magaalada Dhahran ee dalka Sacuudiga sannadkii 1996-kii.

Taariikhdu markay ahayd 25ka bisha Juun, 1996, xubno ka tirsan kooxda Sacuudi Xizballah ayaa gaari booyad ah oo ay ku jiraan walxaha qarxa ku qarxiyeen barxadda baabuurta la dhigto ee Khobar Towers, oo ah dhismo la dego guri oo ay degan yihiin ciidamada Maraykanka. Weerarkan ayaa burburiyay dhammaan dhismihii ka ag dhowaa oo dhan, waxaa ku dhintay 19 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ah iyo hal qof oo muwaadin Sucuudiyaan ah, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof oo u dhashay dalal kala duwan.

Taariikhdu markay ahayd 21ka bishii Juun, 2001, xeerbeeg heer federaal oo Mareykan ah ayaa ku soo oogtay al-Mughassil iyo 13 qof oo kale ayaa weerarka la la xiriiriyay.

Taariikhdu markay ahayad 12ka bisha Oktoobar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa al-Mughassil waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan darteed, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Mughassil hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Mughassil la sameeyaan. Wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da.

Skip to content