Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.
Amiir Kamaal Shariif Alshawa waa madaxa fulinta ee Trend GYO oo fadhigeedu yahay Turkiga, sanduuq maalgashiga hanti maguurtada ah ee Xamaas lala xaiiranayo. Wuxuu xubin guddi ka soo noqday dhawr shirkadood oo maal-gashi oo Xamaas leedahay.
Laga soo bilaabo 2018, unugyada Xamaas waxay leeyihiin qiyaas ahaan boqolkiiba 75 hantida Trend GYO. Waxaa intaa dheer, Xamaas waxay qorshaysay in ay si gooni ah u siiso in ka badan $15 milyan oo ah saamiyada Trend GYO in ay u qaybiso saraakiisha sarsare keydka maal-gelinta ee shirkada.
Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Okotoobar, 2023, Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa si qaas ah Alshawa ugu aqoonsatay inuu yahay Argaggixiso Caalami ah, iyadoo loo cuskanayo qodobka Amarrada Dowliga ee 13224, sida loo badalay. Magacaabistaas ayaa xannibaysa hantida shakhsiyaadka shisheeyaha iyo ururadda geysta, ama keena khatar weyn oo ah falal argagixisanimo. Taa waxaa raacsan, Amarku wuxuu dowladda Maraykanka uu u fasaxayaa in ay xannibto hantida shakhsiyaadka iyo hay’adaha bixiya taageerada, adeegyada, ama kaalmeeya, ama haddii kale xiriirka la leh, argagixisada iyo ururada argagixisada ee lagu magacaabay Amarka, iyo sidoo kale kaabayaashooda, ururada ay ku hoos-gabadaan,kuwa daahsoon, wakaaladaha, iyo la-hawlgalayaasha.
