Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan afduubkii iyo dilkii William Buckley. Buckley waxa uu ahaa madaxa xarunta CIA-da ee Lubnaan, doorkaas oo uu si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayey ka dib marka uu dhacay qaraxii safaaradda Maraykanka ee Beirut ee 1983-kii oo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 63 qof, oo ay ku jiraan 17 Maraykan ah. Taariikhdu markay ahayad 16ka bisha Maarso, 1984, Buckley waxaa laga afduubay Beirut isagoo ku sii socda shaqada. Waa la waraystay oo la jirdilay ka hor inta aanu dhiman maxbuus ahaan taariikhdu markay ahayd 3da bisha Juun, 1985. Buckley waxa uu ka mid ahaa 100-kii dhibanayaasha ahaa ee u badnaa reer Galbeedka, kuwaas oo ay Xizballah iyo kuwa Xizballah xiriirka la leh ee argagixisadu ay qafaalatay oo ay haysteen intii lagu jiray qalalaasaha afduub ee Lubnaan.
