Afduubka Duulimaadka 73 ee Pan Am

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe | Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan afduubkii Diyaaraddii Pan Am ee Duulamaadkii 73. Taariikhdu markay ahayd 5ta bishii Seteembar, 1986, xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka argagixisada ee Abu Nidal ayaa afduubtay Diyaaradda Pan Am ee Duulimaadkii 73 xilli ay ku sugnayd dhulka magaalada Karachi, Pakistan, iyadoo 379 ay la socdeen. Ka dib markii ay afduub ku haysteen rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda saarma muddo ku dhow 16 saacadood, afduubayaashu waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan. Labaatan qof, oo ay ku jiraan labo Maraykan ah, ayaa ku dhintay in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Shan ka mid ah argaggixisada oo ka qayb qaatay afduubka ayaa ugu dambayntii la qabtay, la maxkamadeeyay, oo laguna xukumay xabsi ku yaalla dalka Pakistan. Si kastaba ha noqotee, afar ka mid ah dadka la xukumay ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay bishii Janaayo 2008-dii oo illaa iyo hadda la la’ yahay. Midkiiba waxaa dacwad ku soo oogay xeerbeegti heer federaal ah oo Maraykan ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da. Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan shaqsiyaadkan:

Wadoud Maxammad Xafiz al-Turki Jamal Saciid Cabdul Raxim Maxammad Cabdullah Khalil Xussain ar-Rahayyal Maxammad Axmed al-Munawar

Skip to content