Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan Duran Kalkan, oo ah hoggaamiyaha sare ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo sidoo kale loo yaqaan Kongra-Gel. PKK waa Urur Argaggixiso Shisheeye oo uu Maraykanku u aqoonsaday (FTO). Kalkan waa Xubin ka tirsan Guddiga Sare ee PKK oo wuxuuna mas’uul ka ahaa weerarkii ay ku dhinteen toddoba askari oo ka tirsan ciidamada wadanka Turkiga oo dhacay bishii Diseembar ee sannadkii 2009.
Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay Kalkan u magacawday ka ganacsiga maandooriyaha Khaaska ah (SDNK) iyada oo la raacayo Xeerka Magacaabidda Maandooriyaha ee Kingpin (Xeerka Kingpin) ee 20ka bisha Abriil, 2011.
