Xuseen Hatefi Ardakani

Bariga Aasiya iyo Baasifigga | Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 15 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda waxa uu ku bixinayaa abaal-marin gaaraysa 15 milyan oo dollar ciddii keenta xog horseeda khalkhalgelinta nidaamka maaliyadeed ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), taas oo Maraykanku u aqoonsaday koox argagixiso ah.

Xuseen Hatefi Ardakani waa ganacsade Iiraaniyan ah oo gacan ka gaystay helitaanka iyo bixinta tignoolajiyada casriga ah ee fududeeysa soo saarista iyo iibinta hubka IRGC. Ilaa iyo sanadkii 2014-kii, Ardakani wuxuu adeegsanayay shabakadihiisa ah shirkadaha wax kala dulaala, oo ay ku jiraan shirkaddaha dahsoon ee fadhigoodu yahay Maleeshiya, Hong Kong iyo shirkadaha ganacsiga ee qaybta saadka ee UAE. si ay u helaan una fududeeyaan wareejinta qalabka xasaasiga ah ee laga leeyahay Maraykanka iyo dalalka shisheeye, sida qalabka iyo tiknoolijida loogu talagalay in la geeyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee loogu talagalay barnaamijyada hubka ee Iiraan. Hubkan, oo ay ku jiraan Shaheed-136 iyo Shaheed-131 oo weerara Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan (UAVs ama darooniska), waxaa lagu soo saaraa magaca IRGC ka dibna waxaa lagu iibiyaa suuqyada caalamiga ah. Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa laga iibiyay ciidamada qalabka sida ee Ruushka si ay ugu adeegsadaan howlgalkooda milatari ee sharci darada ah ee ay ka wadaan dalka Yukrayn. Dakhliga ka soo xarooda iibka hubkan ayaa waxaa si toos ah uga faa’iidaysta IRGC.

Qalabka hagidda duulimaadka ee asal ahaan Maraykanka laga leeyahay oo ay soo iibsatay shabakadda Ardakani ayaa laga helay burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed ee ee loo adeegsaday Yukrayn iyo goobaha kale ee colaaduhu ka jiraan. Waxaa intaa dheer, shabakadda Ardakani waxay si sharci darro ah u soo iibisatay qalabka dhoofinteeda ay xakamayso dowladda Maraykanka ee loo isticmaalo qalabka elektaroonigga ah (loona yaqaan HEMTs) iyo qaybo kale oo loo isticmaalo hubka wax-gumaada, iyo sidoo kale qalab kale oo elektaroonig ah oo loo isticmaalo hubka.

Shirkadaha dahsoon ee fadhigoodu yahay dalka Maleeshiya ee taageera shabakada Ardakani waxaa ka mid ah Arta Wave Sdn Bhd, Integrated Scientific Microwave Technologies, iyo Tecknologi Merak Sdn Bhd. Shirkadahan iyo shirkaddo kale waxay diiwaan-gashanyihiin Kuala Lumpur, Maleeshiya, iyagoo ku leh wakiil aan diiwaan gashaneeyn iyo ciwaanno guud oo ku yaal dalka Hong Kong. Shirkadahaani waxay u adeegaan Ardakani si ay u helaan agabka asal ahaan laga leeyahay dalka Maraykanka iyo qalab wadamo shisheeye oo kale laga keeno, kuwaas oo aan si kale lagu heli karin iyada oo loo marayo dariiqo wax iibsiga oo sharci ah sababtoo ah cunaqabataynta Maraykanka iyo kontaroolada dhoofinta ee lagu beegsanayo Iran iyo IRGC.

Ganacsiyada fadhigoodu yahay dalka Imaaraatka (UAE), oo ay ku jiraan adeegyada Smart Mail Services ee fadhigoodu yahay Dubai, Ring Field FZE, iyo kuwa kale ayaa loo aqoonsaday inay yihiin fududeeyayaasha dhoofinta loo isticmaalo gudbinta macluumaadka maraakiibta beenta ah ama marin habaabinta ah, hareer mara cunaqabataynta Maraykanka iyo kuwa aan Maraykanka ahayn iyo xeerarka xakamaynta dhoofinta, iyo in qaybo si sharci darro ah loo dhoofiyo si markaa loogu soo iibiyo IRGC qalab sharci daro ah, iyagoo Ardakaani ka wakil ah.

Ardakani waxa kale oo uu maamulaa shirkado fadhigoodu yahay Tehran sida Kavan Electronics Co., Ltd., Basamed Electronics Boya Engineering Company, iyo Tev Tadbir Arya Engineering Company.

Taariikhdu markay ahayd 19ka bisha Diseembar, 2023, Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa daaha ka qaaday eedeymo ka dhan ah Ardakani oo ku eedeeysay dambiyo la xiriira soo iibintiisa qalabka microelectronics-ka ee Mareykanka soo saaro ee IRGC loo soo iibiyay. Sidoo kale, Waaxda Maaliyadda ee Maraykanku waxay Ardakani iyo 10 hay’adood oo kale oo xiriir la leh ku dartay liiskeeda Muwaadiniinta Gaarka ah loo qoondeeyey iyada oo la raacayo Amarka Fulinta (EO) 13382, kaas oo bartilmaameedsada faafiyayaasha hubka wax gumaada iyo siyaabaha ay u gudbiyaan. Cunaqabatayntu waxay mamnuucday dhammaan in dadka Maraykanka ah ama kuwa kusugan Maraykan aysan wax kala iibsi ah la samayn karin (oo ay ku jiraan wax kala waydaarsiga gudaha Maraykanka) ee ku lug leh wax kasta oo hanti ah ama damac hanti oo lala yeesho shaqsiyaadka la xannibay ama lagu riday cunaqabataynta.

Skip to content