Waliid Maxamed Mustafa Jadallah

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.

Waliid Maxamed Mustafa Jadallah waa muwaadin u dhashay dalka Urdun, oo Xamaas ka tirsan, waana qayb ka mid ah shabakada maalgashiga ee Xamaas. Jadallah oo fadhigiisu yahay dalka Turkiga, wuxuu qayb ka yahay guddiyo dhowr shirkadood ah oo maal-gashi ah oo Xamaas leedahay.

Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Okotoobar, 2023, Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa si qaas ah Jadallah ugu aqoonsatay inuu yahay Argaggixiso Caalami ah, iyadoo loo cuskanayo qodobka Amarrada Dowliga ee 13224, sida loo badalay. Magacaabistaas ayaa xannibaysa hantida shakhsiyaadka shisheeyaha iyo ururadda geysta, ama keena khatar weyn oo ah falal argagixisanimo. Taa waxaa raacsan, Amarku wuxuu dowladda Maraykanka uu u fasaxayaa in ay xannibto hantida shakhsiyaadka iyo hay’adaha bixiya taageerada, adeegyada, ama kaalmeeya, ama haddii kale xiriirka la leh, argagixisada iyo ururada argagixisada ee lagu magacaabay Amarka, iyo sidoo kale kaabayaashooda, ururada ay ku hoos-gabadaan,kuwa daahsoon, wakaaladaha, iyo la-hawlgalayaasha.

Skip to content