Cabdelbasit Xamza Elxassan Maxamed Khayr

Afrika – Saxaraha ka Hooseeya

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.

Cabdelbasit Xamza Elxassan Maxamed Khayr waa maalgeliyaha Xamaas oo fadhigiisuna yahay dalka Suudaan, wuxuuna gacanta ku hayay shirkado badan oo ku jira faylalka maal-gashiga ee Xamaas. Wuxuu xiriir maaliyadeed oo soo jireen ah la leeyahay ururka al-Qaacida iyo shirkado xiriir la leh Usama bin Laden kuna sugan dalka Suudaan.

Wuxuu horey ugu lug lahaa in uu Xamaas u xawilo ku dhawaad $20 milyan oo doolar, oo ay ku jirto lacag si toos ah loogu diray sarkaal sare oo Xamaas ah oo qaabilsan dhanka maaliyadda, iyo nin Maraykanku si gaar ah ugu aqoonsaday Argaggixiso Caalami ah (SDGT) oo lagu magacaabo Maahir Jawad Yuunis Saalax.

Shabakada Xamsa ee Xamaas u qaabilsan lacag-dhaqida iyo soo saarida dakhliga oo ay ka midka yihiin shirkadaha fadhigoodu yahay dalka Suudaan ee Al-Rowad Real Estate Development, Zawaya Group for Development and Investment Co. LTD, and Larrycom for Investment Company, sidoo kale, shirkadaha fadhigoodu yahay dalka Spain ee based Zawaya Group for Development Investment Sociedad Limitada. Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa dhammaan afarta hay’adood u aqoonsaday inay yihiin SDGTs.

Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Okotoobar, 2023, Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa si qaas ah Xamsa ugu aqoonsatay inuu yahay Argaggixiso Caalami ah, iyadoo loo cuskanayo qodobka Amarrada Dowliga ee 13224, sida loo badalay. Magacaabistaas ayaa xannibaysa hantida shakhsiyaadka shisheeyaha iyo ururadda geysta, ama keena khatar weyn oo ah falal argagixisanimo. Taa waxaa raacsan, Amarku wuxuu dowladda Maraykanka uu u fasaxayaa in ay xannibto hantida shakhsiyaadka iyo hay’adaha bixiya taageerada, adeegyada, ama kaalmeeya, ama haddii kale xiriirka la leh, argagixisada iyo ururada argagixisada ee lagu magacaabay Amarka, iyo sidoo kale kaabayaashooda, ururada ay ku hoos-gabadaan,kuwa daahsoon, wakaaladaha, iyo la-hawlgalayaasha.

Skip to content