Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan qofkii keena xog u horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka argaggaxisada ee Xamaas, oo sidoo kale loo yaqaano Xarakaat al-Muqawama al-Islaamiya.
Muxammad Axmad ‘Cabd Al-Dayim Nasrallah waa sarkaal muddo dheer hawlwadeen ka ahaa ururka Xamaas ee fadhigiisu yahay Qatar, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay ururo Iraaniyiin ah. Wuxuu ku lug leeyahay lacago tobanaan malaayiin oo dollar ah oo Xamaas loo gudbiyay, oo ay ka mid yihiin garabka milatari ee Xamaas, Guutada Izz al-Diin al-Qassim.
Taariikhdu markay ahayd 18kii bishii Okotoobar, 2023, Waaxda Maaliyada Mareynaka ayaa si qaas ah Nasrallah ugu aqoonsatay inuu yahay Argaggixiso Caalami ah, iyadoo loo cuskanayo qodobka Amarrada Dowliga ee 13224, sida loo badalay. Magacaabistaas ayaa xannibaysa hantida shakhsiyaadka shisheeyaha iyo ururadda geysta, ama keena khatar weyn oo ah falal argagixisanimo. Taa waxaa raacsan, Amarku wuxuu dowladda Maraykanka uu u fasaxayaa in ay xannibto hantida shakhsiyaadka iyo hay’adaha bixiya taageerada, adeegyada, ama kaalmeeya, ama haddii kale xiriirka la leh, argagixisada iyo ururada argagixisada ee lagu magacaabay Amarka, iyo sidoo kale kaabayaashooda, ururada ay ku hoos-gabadaan,kuwa daahsoon, wakaaladaha, iyo la-hawlgalayaasha.
