Qaraxii Naadiga USO

Yurub iyo Eurasia

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ah ciddii macluumaad ku saabsan qaraxii ka dhacay Naples, Itaaliya ee USO Club. Taariikhdu markay ahayd 14-kii, bishii Abriil 1988-kii, ayay ahayd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay irirda hore ee goobtaas, waxaana ku dhintay shan qof oo ay ku jirtay haweeney Mareykan ah, waxaana ku dhaawacmay 15 qof oo kale oo ay ku jiraan afar askari oo Mareykan ah.

Junzō Okudaira, oo xubin ka ah kooxda argaggixisada ah ee Ciidanka Cas ee Jabbaan, ayaa lagu soo oogay gudaha Maraykanka taariikhdu markay ahayad 9-kii bishii Abriil, 1993-dii weerarkii USO Club. Okudaira ayaa sidoo kale looga shakisan yahay in bishii Juun 1987 baabuur qarax iyo hoobiye lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Rome.

Skip to content