Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Sayf al-Cadl. Al-Cadl waa hogaamiye sare oo al-Qacida (AQ) fadhigiisuna yahay Iiraan, waana xubin ka tirsan golaha sare ee hogaanka AQ, ee Majlis al-Shura. Al-Cadl ayaa sidoo kale madax ka ah guddiga militariga ee AQ.
Al-Cadl waxa soo eedeeyay oo dacwad ku soo oogay xeerbeeg heer federaal ah oo Maraykan ah bishii Nofeembar, 1998 doorkii uu ku lahaa qaraxyadii safaaradaha Maraykanka ee Daarusalaam, Tanzania, iyo Nairobi, Kenya taariikhdu markay ahayd 7da bisha Agoosto, 1998. Weeraradaasi waxaa ku dhintay 224 qof oo dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 5,000 oo kale.
Kadib qaraxii safaarada Maraykanka ee 1998-kii, al-Cadl waxa uu u guuray koonfur bari Iiraan waxa uuna ku hoos noolaa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan. Bishii Abriil 2003, mas’uuliyiinta Iiraan isaga iyo madaxda kale ee AQ waxay geliyeen xabsi guri.
Bishii Seteember 2015, al-Cadl iyo afar kale oo madax sare oo AQ ah ayaa laga sii daayay xabsiga Iiraan iyagoo lagu beddeshay dublamaasi Iiraani ah oo ay AQ ku afduubtay Yemen.
Al-Cadl waxa uu sarkaal sare u ahaa Abuu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa aasaasihii ururka AQ ee Ciraaq, kaas oo markii dambe noqday dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS).
Horaantii sannadkii 1990-kii, al-Cadl iyo hawl-wadeenadii kale ee AQ waxa ay tababaro ciidan iyo sirdoon ku siiyeen wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Afgaanistaan, Pakistan, iyo Suudaan, kuwaas oo ay siiyeen xubno ka tirsan AQ iyo kooxaha xiriirka la leh, oo ay ku jiraan Jihaadka Islaamiga ah ee Masar.
Sannadkii 1992-kii iyo 1993, waxa uu tababaro ciidan siiyay AQ iyo Qabaa’il Soomaaliyeed oo Muqdisho kula dagaalamay ciidamadii Maraykanka, xiligaasi oo uu socday Hawlgalkii Rajada Soo celinta (Operation Restore Hope).
Isaga oo Kornayl ka ahaa ciidamadii gaarka ahaa ee Masar bartamihii sannadkii 1980-aadkii, waxa uu ka qayb qaatay dadaalladii lagu afgambiyay dawladda Masar. Sannadkii 1987-kii, waa lala xiray isaga iyo kumannaan kale oo ka soo horjeeda dawladda ka dib markii ay isku dayeen dil ka dhan ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Masar. Mas’uuliyiinta ayaa sii daayay ka dibna hoos u riday al-Cadl, kaas oo sannadkii 1989 u safray dalka Afgaanistaan halkaas oo uu tababare u noqday AQ.
Taariikhdu markay ahayd 23ka bisha Seteember, 2001, al-Cadl waxaa lagu qoray Lifaaqa Amarka Fulinta 13224, sidaas awgeed, waxaa saaran cunaqabatayn sida hoos timaada Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Cadl hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Cadl la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo FTO ga AQ. Al-Cadl wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da.
