Kuhusu
Halganka Kacaanka (RS) waxa uu soo ifbaxay sannadkii 2003dii ka dib markii la xiray xubno ka tirsan laba kooxood oo kale oo Marxist Giriig ah, 17kii Nofembar iyo Halgankii Dadka Kacaanka. Kooxda xagjirka ah ee Marxist, RS ayaa qaaday weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada Giriiga iyo Maraykanka ee Giriiga. RS ayaa markii ugu horeysay sumcad ka heshay markii ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii 5ta bisha Seteember, 2003 ee ka dhacay guriga maxkamadda Athens intii lagu jiray maxkamadeynta xubnaha 17 Noofambar. RS waxay sheegatay mas’uuliyaddii weerarkii gantaalka miinada garabka ee dhacay bishii Janaayo 2007 weerarkaas oo lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Athens iyo qaraxii dhacay bishii Maarso 2009 ee laanta Citibank ee Athens.
Taariikdu markay ahayd 18ka bisha Maajo, 2009, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa RS u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Mar dambe, taariikhdu markay ahayd 17kii bishii Seteember, 2009, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa RS waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee RS, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay RS la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo RS.
