Kuhusu
Xisbiga Xoraynta Shacabka Kacaanka/Jabhadda (DHKP/C) ayaa 1978kii waxaa lagu aasaasay dalka Turkiga. Xisbiga DHKP/C wuxuu u-doodaa fikirka Marxist-Leninist wuxuuna ka soo horjeedaa Maraykanka, NATO, iyo nidaamka Turkiga. Kooxdu waxay bartilmaameedsatay danaha Mareykanka, oo ay ku jiraan ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha iyo xarumaha diblomaasiyadda, shaqaalaha iyo xarumaha NATO, yoolalka Turkiga tan iyo 1990-meeyadii. Bishii Febraayo 2013, hawlwadeen ka tirsan DHKP/C ayaa isagoo jaakadda ismiidaaminta xirnan isku hor qarxiyay safaaradda Mareykanka ee Ankara. Qaraxa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah waaridiye Turki ah oo waxaana dhaawac daran ka soo gaaray Wariye Turki ah. Bishii Maarso 2013, saddex xubnood oo ka tirsan kooxda ayaa weerar ku qaaday Wasaaradda Cadaaladda iyo xarunta Ankara ee Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee Turkiga iyagoo bam-gacmeedyo iyo gantaallo isticmaalaya.
Taariikdu markay ahayd 8da bisha Oktoobar, 1997, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa DHKP/C u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Taariikhdu markay ahayd 31kii bishii Okotoobar, 2001, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa DHKP/C waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee DHKP/C hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay DHKP/C la sameeyaan. Waa dambi iyadoo si oggaal ah loogu fidiyo, ama la isku dayo in lala shaqeeyo oo loo fidiyo, taageero walxo ama khayraad loo fidiyo ururka DHKP/C.
