Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan qaraxii Diyaaraddii Pan Am ee Duulamaadkii 103. Taariikhdu markay ahayd 21 bisha Diseembar, 1988, Pan Am Flight 103, Boeing 747 oo ka soo duushay garoonka Heathrow ee magaalada London kuna socotay garoonka garoonka John F. Kennedy ee magaca New York, ayaa lagu burburiyay hawada Lockerbie, Scotland, markii walxaha qarxa, lagu soo qariyay shandada, oo la qarxiyay. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay 259-qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda ka shaqeeynayay, oo ay ku jiraan 190-qof oo Mareykan ah iyo 11-qof oo goobta ku sugnaa. Weerarkan oo ay soo qorsheeyeen oo ayna fuliyeen sirdoonka Liibiya ayaa ahaa weerarkii ugu weynaa ee argaggixiso ee lagu soo qaado dadka Maraykanka ka hor intuuna dhicin weerarkii 11ka bishii Seteember, 2001. Waa weerarkii argaggixiso ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Boqortooyada Ingiriiska.

Isla markiiba ka dib masiibada markay dhacday, waaxda sharci fulinta Scottish iyo kuwa Ameerikaanka ayaa waxay sameeyeen baaritaan wadajir ah. Bishii Noofambar 1991, mas’uuliyiintu waxay eedaymo dembi ah ay ugu soo oogeen Maraykanka iyo Scotland labadaba hawlwadeen sirdoonka Liibiya Cabdel Baset Cali al-Megrahi iyo Lamen Khalifa Fhimah.
Taariikhdu markay ahayd 31ka bisha Janaayo, 2001, al-Megrahi waxaa lagu helay dhammaan eedeymaha loo soo qabtay, Fhimah dambi waa lagu waayay. Al-Megrahi ayaa lagu xukumay xabsi daa’in oo qasab ah. Bishii Agoosto 2009, ayaa laga sii daayay xabsiga sababo naxariis darteed ka dib markii laga helay cudurka kansarka. Al-Megrahi waxa uu ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Liibiya taariikhdu markay ahayd bishii Maajo 2012-kii.
Taariikhdu markay ahayd 21ka bishii Diseembar, 2020, Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday eedeymo cusub oo ka dhan ah howlwadeenkii hore ee sirdoonka Liibiya, Abu Agela Mas’ud Kheir al-Marimi, oo lagu eedeeyay doorkii uu ku lahaa duqeynta.
