Muxammad Qaasim al-Bassal

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 10 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan qofkii keena xog horseedaysa in carqaladeyn lagu sameeyo qaabka dhaqaale ee ururka Xizballah. Muxammad Qaasim al-Bassal, oo sidoo kale loo yaqaan Maxamad Bassal iyo Mu’in, waa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Xisbullah oo mas’uuliyadiisa ay ka mid tahay isku dheellitirka xisaabaadka maaliyadeed ee u dhexeeya Xisbullah iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Corps-Qods Force (IRGC-QF).

Al-Bassal waa aasaasaha labaad shirkadda hore ee Talaqi Group ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya, wuxuuna kor kala socdaa ganacsiyada kale ee maalgeliya argaggixisada, sida Hokoul SAL Offshore iyo Nagham Al Hayat. Isagoo ah guddoomiyaha guddiga maamulka Talaqi Group, al-Bassal wuxuu kor kala socdaa dhaqaalaha shirkadda, habraacyada, maamulka, iyo qandaraasyada. illaa dabayaaqadii sannadkii 2018, al-Bassal waxa uu Talaqi Group iyo shirkadihiisa kale u isticmaalayey inay maalgeliyaan, isku dubaridaan, oo ay mugdi galiyaan shixnadaha saliidda ee IRGC-QF ku xiran. Sidoo kale Al-Bassal wuxuu kor kala socday iskaashiga Talaqi Group ee ALUMIX ee fadhigeedu yahay Lubnaan ee shixnadaha aluminiyamka ee Iran.

Taariikhdu markay ahayad 20ka bisha Nofembar, 2018, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa al-Bassal waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. U aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee al-Bassal hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay al-Bassal la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xisbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye. Taariikhdu markay ahayd 4ta bisha Sebteembar, 2019, Waaxda Khasnadda ayaa sidoo kale u magacawday Hokoul SAL Offshore, Talaqi Group, Nagham Al Hayat, iyo ALUMIX inay leeyihiin ama al-Bassal uu maamulo.

Skip to content