Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $10 milyan ciddii keenta xog ku saabsan hawlaha, shabakadaha, iyo la-hawlgalayaasha Maxammad Kawtharani, oo sidoo kale loo yaqaan Jacfar Kawtharani. Khawtharani waa hoggaan sare oo ka tirsan xoogagga Xizbullah ee Ciraaq. Kawtharani wuxuu la wareeggay qaar ka mid ah isuduwidda siyaasadeed ee Ciraaq saldhigga u ah, koox ay hore xulafo u ahaayeen Kooxda Ilaalada Kacaanka Islaamiga oo ay hore u abaabuleen Jeneraal Qasem Soleimani oo hadda geeriyooday.
Kawtharani wuxuu fududeeyaa howlgallada kooxaha ka baxsan gacanta dowladda ee Ciraaq kuwaas oo si xoog leh gacanta ugu hayay mudaaharaadyada, weerarrada lagu soo qaadayay safaaradaha shisheeye, kuna hawlanaa falal dambiyeedyada abaabulan oo baahsan. Sida xubin ka tirsan Guddiga Siyaasadda Xizbullah, Kawtharani wuxuu dhiirrigeliyay dadaallada Xizbullah ee ay ku fidinnayso tabbabarrada, maalgelinta, iyo taageerada xagga saadka ah ay siinayaan kooxaha xagjirka ah ee Shiicada Ciraaq. Sidoo kale Kawtharani wuxuu gacan siiyay xagjiriinta u sii gudbaya Suuriya si ay u taageeraan maamulka Assad.
Taariikhdu markay ahayad 22ka bisha Agoosto, 2013, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka ayaa Kawtharani waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo si Gaar ah u Magacaaban markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Sidaa darteed u aqoonsigan, iyo cawaaqibyada kale darteed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Kawtharani hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Kawtharani la sameeyaan. Taa waxaa raacsan, waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo Xizbullah, ayaa Mareynka u magawday inay tahay Urur Argaggixiso Shisheeye.
