Afduubyada iyo dilalkii Lubnaan

Bariga dhow - Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Abaal-marin

Ilaa 5 milyan oo doollar

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan afduubyadii iyo dilalkii dad Maraynka ah loogu geystay dalka Lebanon laga bilaabo 1982 illaa 1992. Inta muddadan lagu jiray, argaggixisada Xisbullah iyo kuwa Xizbullah xiriirka la leh waxay qafaasheen oo haysteen ku dhawaad 100 qof oo ajaanib ah oo u badnaa reer Galbeed ahaa. Dhibanayaasha afduubka loo geystay waxaa ka mid ah William Buckley, Peter Kilburn, iyo William Higgins oo Ameerikaan ahaa oo ayaa la jirdilay lana dilay.

Buckley waxa uu ahaa madaxa xarunta CIA-da ee Lubnaan, doorkaas oo uu si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayey ka dib marka uu dhacay qaraxii safaaradda Maraykanka ee Beirut ee 1983-kii oo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa 63, oo ay ku jiraan 17 Maraykan ah. Taariikhdu markay ahayad 16ka bisha Maarso, 1984, Buckley waxaa laga afduubay Beirut isagoo ku sii socda shaqada. Buckley waa la waraystay oo la jirdilay ka hor inta aanu dhiman maxbuus ahaan taariikhdu markay ahayd 3da bisha Juun, 1985.

Peter Kilburn wuxuu ahaa maktabad-yaqaan ka ahaa Jaamacadda American University ee Beirut. Taariikhdu markay ahayd 3da bisha Diseembar, 1984, ayaa la soo sheegay in la waayay. Lix iyo toban bilood ka dibna, waxaa meydkiisa la helay isaga iyo labo kale oo la qabsaday. Dhibanayaasha waa la toogtay ka dibna waxaa lagu tuuray buuraha bari ee Beirut.

Korneel Ciidamada Mariinka ee U.S Marine Corps Colonel William Higgins wuxuu ka mid ahaa ergadii nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee koonfurta Lubnaan markii la afduubay taariikhdu markay ahayd 17ka bisha Fibraayo, 1988. Afduubayaashii ayaa jirdilay oo su’aalo waydiiyey ka hor intaysan Higgins dilin.

Skip to content