Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan oo doolar ciddii keenta xog ku saabsan afduubkii iyo dilkii Kevin Scott Sutay. Bishii Juun 2013, Ciidamada Kacaanka ee Kolombiya (FARC) waxay af-duubteen Sutay, oo hore uga tirsanaan jiray xubnaha adeegga milatariga Mareykanka, meel u dhow degmada El Retorno, Colombia. Sutay wuxuu safar dalxiis oo socod dheer ah ku jiray wadamo badan oo Koonfurta iyo Bartaha Ameerika ah.
Taariikhdu markay ahayd 19ka bisha Luulyo, 2013, FARC waxay soo saareen ogeysiis iyagoo qoraal ku sheegay mas’uuliyadda in iyagu ay yihiin kuwa ka dambeeyay afduubkii iyagoo sheegay waxa ay damacsan yihiin si ay xuryaddiisa dib ay Sutay ugu soo celin la’haayeen iyagoo ay ka tahay fal niyad wanaag. Hase-yeeshee, Sutay lama soo dayn illaa laga gaaro 27 October, 2013, goorta lagu soo celiyay Waaxda Guaviare iyadoo ay weheliyeen dowladdaha Kolombiya, Kuuba, iyo Noorway, iyo xubno ka mid ah Guddiga Caalmadiga ee Laanqeerta Cas. Sutay ayaa wakhti dambe gacanta loo soo geliyay Dowladda Mareykanka saaraakiisheeda joogay Bogota, Kolombiya, oo Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay.
