Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan oo ay siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Jamal Saciid Cabdul Raxiim oo sidoo kale loo yaqaano Cali Al Jassem Fahd. Raxiim, oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Abu Nidal Organization, ayaa loo raadinayaa doorki uu ku lahaa afduubkii Pan Am Duulimaadkii 73 ee dhacay taariikhdu markay ahayd 5ta bisha Seteember, 1986 ee Karachi, Pakistan. Ka dib markii ay afduub ku haysteen 379 rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda saarma muddo ku dhow 16 saacadood, afduubayaashu waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan. Labtaan qof, oo ay ku jiraan labo Maraykan ah, ayaa ku dhintay in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Doorkii uu ku lahaa afduubka, Raxiim waxaa dacwad ku soo oogay xeerbeegti heer federaal ah oo Maraykan ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da. Raxiim waxay u badan tahay inuu deggan yahay ama ku nool yahay Bariga Dhexe.
