Dowladda Khorasaan ee dowladda Islaamiga (ISIS-K)

Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya

Abaal-marin

Adiga kaalintaada ka qaado.

Kuhusu

Dowladda Islaamiga ee Khorasaan (ISIS-K) oo fadhigeedu yahay dalka Afgaanistaan waa koox argaggixiso ah, waxaana ay howlgalo ka fuliyaan dalalka Afghanistaan iyo Pakistan. Badanaa ka kooban xubno hore oo ka tirsan Tehrik-e Taliban Pakistan, Taliban Afgaanistaan, iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Uzbekistan, ISIS-K waxay ballanqaaday inay daacad u tahay ISIS 2015. ISIS-K ayaa mas’uul ka ah qaraxii dhacay bisha Luulyo 2016 ka dhacay mudaaharaad nabadeed oo Kabul ka dhacay kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 80 qof ayna ku dhaawacmeen 230 kale. Bishii Agoosto 2016, kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda toogasho iyo weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay isbitaal ku yaal Quetta, Pakistan, kaasoo ay ku dhinteen 94. ISIS-K ayaa sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhacay bishii Maajo 2020 oo ka dhacay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Kabul kaas oo ay ku dhinteen 24 qof, oo ay ku jiraan caruur dhawaan dhashay iyo hooyadood.

Taariikdu markay ahayd 14ka bisha Janaayo, 2016, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ISIS-K u magacaabay inay yihiin Urur Argaggixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda, sida wax laga beddelay. Markeedii hore, taariikhdu markay ahayd 29ka bishii Seteember, 2015, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ISIS-K waxay u magawday inay yihiin Argaggixiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddalay. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee ISIS-K, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay ISIS la sameeyaan. Waa dambi iyadoo si oggaal ah loogu fidiyo, ama la isku dayo in lala shaqeeyo oo loo fidiyo, taageero walxo ama khayraad loo fidiyo ururka ISIS-K.

Skip to content