Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalada waxay bixineysaa abaalmarin gaaraysa illaa $15 milyan oo ay siinayso qokii keena wix macluumaad ah ee horseeda carqaladeynta hanaanka maaliyadeed ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka (IRGC)(hyperlink) iyo dhammaan laamaheeda, oo ay ku jiraan Xooga IRGC-Qods Force (IRGC-QF)(hyperlink). IRGC waxay maalgalisay weeraro badan oo argagixiso ay gaysatay iyo dhaqdhaqaaqyo argagaxiso oo dunida ka dhacay. IRGC-QF waxay hogaamisaa howlgalada argagixisada ee Iiran ee meelaha ka baxsan Iran iyada oo u marineysa wakiiladeeda, sida Xisbullaah iyo Xamaas.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay bixinaysaa abaal-marinno ku saabsan qofkii keena macluumaadka ah ilaha dakhli ee IRGC, IRGC-QF, ee laamaheeda ama qaababka u fududeynta maaliyadeed oo ay ku jiraan:
- Nidaamyada maaliyadeed ee sharci darrada ee IRGC, oo ay ku jiraan lacagta-saliida;
- Shirkadaha hore ee xiriirka ka dhaxeeya IRGC, ee gacan ka geysta dhaqdhaqaaqyada caalamiga iyaga oo matalaya;
- Shirkaddaha ama shakhsiyaadka IRGC gacan ka siiya inay qariyaa cunaqabateynta Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah;
- Hay’addaha rasmiga ee dhaqaale ee ganacsi la sameeya IRGC;
- Sida IRGC ay deeqaha iyo agabyaasheeda ay uga wareejiso argagaxisadeeda iyo wakiiladaheeda maleeshiyaadka iyo kuwa la shaqeeya;
- Deeq-bixeyayaasha ama dhaqaale u fududeeyayaasha IRGC;
- Hay’adaha maaliyadeed ama u fududeeyaasha bixinta lacagaha ee IRGC;
- Ganacsiyada ama maalgelinta ay leedahay ama ay gacanta ku hayso IRGC ama maalgeliyayaashooda;
- Shirkadaha hore ee ku hawlan soo iibsiga caalamiga ah ee laba isticmaalka teknoolajiyada iyagoo matalaya IRGC;iyo
- Mashaariicda dambiyada ee ku lug leh xubnaha kooxda IRGC iyo taageerayaasha, kuwaas oo dhaqaale ahaan ururka ka faa’iideysanaya.
Waxaa la aasaasay sannadkii 1979kii ka dib Kacaankii Iran, IRGC waa laan ka mid ah ciidamada Iran. Iyadoo loo marayo Xooggooda Quddus, IRGC waxay leedahay doorka ugu weyn ee ka dhex jira jilayaasha Iiran ee jiheynta iyo fulinta maamulka ololaha argagixisada caalamiga.
IRGC waxay ku lug lahayd shirqoollada argaggixisada iyo waxay taageertaa argagixisada adduunka oo dhan. IRGC waxay mas’uul ka tahay weeraro badan oo lagu bartilmaameedsado Ameerikaanka iyo xarumaha Mareykanka, oo ay ku jiraan kuwa lagu dillay muwaadiniinta Mareykanka. IRGC waxay taageertay weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada la ah iyo howlgallada diblomaasiyadeed ee ka socda Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Intaa waxaa sii dheer, kooxdu waxay qafaalatay oo ay afduubatay oo si qalad ahna u xireen dad badan oo Mareykan ah, kuwaa oo badidoodu weli maanta ay ku xiran yihiin Iiran.
IRGC–QF waxay qorsheysay falal argagixiso wa weyn oo dhowr ah oo adduunka oo dhan ah in lagu qaado, dalal ay ka mid yihiin Baxrayn, Bosniya, Bulgeeriya, Jermani, Kiinya, Turkiga, iyo Mareykanka.
Taariikdu markay ahayd 15ka bisha Abriil, 2019, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u magacawday IRGC inay yihiin Urur Argagixiso Shisheeye sida ku xusan qodobka 219 ee Xeerka Laanta Socdaalka iyo Muwaadinnimada, sida la baddalay. Sanadkii 2017, Waaxda Hanti-dhowrka Mareynaka waxay IRGC u magacaawdayinuu yahay Argagaxiso Caalami oo Gaar ah markii loo hiigsaday Amarrada Dowliga ee 13224, sida la baddallay, dhaqdhaqa taageeradooda ay u hayaan ururka IRGC-QF. Tan awgeed, dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee IRGC, hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay IRGC la sameeyaan. Waa dembi in si oggaal ah loo bixiyo, ama la isku dayo ama la maleego in la bixiyo, ilo ama taageero maaddi ah loo gudbiyo IRGC.
