Kuhusu
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $5 milyan ku bixinaysa ciddii soo sheegta Xusayn Maxamed al-Cumari, oo sidoo kale loo yaqaan Xussein Maxamed al-Cumari iyo Abu Ibrahim. Al-Cumari ayaa loo raadinayaa doorkii uu ku lahaa qaraxii diyaaraddii Pan Am ee Duulimaadkii 830 ee 1982. Al-Cumari waa khabiir ku takhasusay samaynta bambooyinka, waxaana uu mar hogaamiye ka ahaa ururka argagixisada ee 15 May.
Taariikhdu markay ahayd 11ka bishii Agoosto, 1982, bam la rumeysan yahay in uu naqshadeeyay oo uu sameeyay al-Cumari, ayaa ku qarxay diyaaradda Pan Am Duulimaadkii 830 oo ay saarnaayeen 267 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda, xilli ay ka duushay magaalada Tokyo ee dalka Japan, kuna sii socotay magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay 16-jir rakaab ah, oo waxaana ku dhaawacmay 16 kale. Al-Cumari ayaa dacwad loogu soo oogey dalka Mareykanka isaga iyo labo kale oo lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen bamka. Dowladda Faransiiska ayaa sidoo kale al-Cumari ku eedeysay qaraxyadii dukaankii Marks & Spencer iyo Leumi Bank ee dhacay 1985-kii.
Al-Cumari wuxuu heystaa baasaboorka dalka Lubnaan waxaana laga yaabaa inuu degan yahay Ciraaq ama Lubnaan. Wuxuu ku jiraa Liiska Argaggixisada ee loogu Doonista Badan yahay ee FBI-da. Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale ku yabooheysa abaal-marin gaaraysa illaa $200,000 oo ay siinayso qofkii soo sheega xog horseeda soo qabashadiisa.
